Xildhibaano iyo wasiiro xalay lagu xirey
Hotelka Chester House ee magaalada Nairobi oo saakay
laga sii daayey
Qaar ka mid ah xildhibaanadda iyo wasiiradda dawladda ku meel gaarka ah
ee soomaaliya oo xalay kor-ka lagaga xir-xiray hoteladdii ay
degganaayeen ayaa saakay laga sii daayey hotelka Chester House ee ku
yaalla magaaladda nairobi ee xarunta waddanka kenya
In ka badan 50 xildhibaanad oo ka tirsan dawladda ku meel gaarka ah ee
soomaaliya oo xalay si kadis ah qolalkii ay degganaayeen kor looga
xirxiray ayaa saakay waxaa ku guulaystay ciidanka booliiska ee kenya
kadib markii qaar ka mid ah wasiiradda dawladda federalka ah ay ku
wargaliyeen dawladda kenya in xildhibaanaddaasi ay xabsi ahaan ugu
jiraan hotelka Chester House ee magaaladda nairobi
Mid ka mid ah xildhibaanadda dawladda federalka ku meel gaarka ah ayaa u
sheeggay Teleefishinka Rochester Somali TV in ay hotelkaasi ay ka
carareen qaar badan oo ka tirsan xildhibaanadda dawladda ku meel gaarka
ah Iyadoo dhammaan xildhibaanadda iyo wasiiradda hotelkaasi degganaana
la sheeggay in maalmaha soo socdo laga rari doonno hotellada ay
degganyihiin
Xildhibaankaasi ayaa sidoo kale Telishisinka u sheeggay in arrinkani ay
baryahan oo dhan ay ka taagnayd hotelkaasi Isagoo intaasi ku daray in
aan milkiilihii hotelkaasi aan dhowr bilood la siinin lacagtii ay kiro
ahaan ay ugu jireen
Si kastaba ha haatee ku dhawaad 20 xildhibaan ayaa saakay ka soo
baqoolay Hotelkaasi islamarkaasna dib ugu soo laabtay meelo kale oo ka
mid ah xaafadda ay soomaalidu degto ee Islii, Waxaanna soo baxaya warar
sheeggaya in qaar kale oo ka tirsan labada gole ee xukuumadda ay ku
xanibanyihiin hoteelo kale oo magaaladda ku yaalla
Danjiraja dowladda
Kenya u qaabilsab arimaha Soomaliya Maxamed cabdi Afey iyo mas"uuliyiin
kale ayaa haatan ku howlan sidii ragga xanibana loo sii dayn lahaa
islamarkaasna meelo kale loogu rari lahaa.
Dhinaca kalena waxaa goor dhow soo gaarey magaalda Muqdisho wefdi
ballaaran oo uu hoggaaminayo ra"isul wasaare Cali Mahamed Geeddi kuwaasi
oo ku sii jeeda caasimadda soomaaliya ee Muqdisho,
Waa markii ugu horraysay tan iyo markii ra"isul wasaare geedi loo
magacaabay Wasiirka ugu sareeya golaha xukuumadda oo tagga magaala
madaxda soomaaliya ee Muqdisho.
Wixii war ah ee soo kordha la soco...
Mursal Quule RSTV Nairobi.