Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

Xaabsade oo soo cusboonaysiiyay kahadalkii mucaaridnamadiisa ku aadan madaxwayne Abdilaahi, Raysal wasaare Geedi  iyo waliba Gudoomiyaha Gobalka shabeelada Hoose ee ay martida u tahay DFKS ee mudane Maxamed Dheere.

 Mudahraad ka dhacay magaalada baydhabo ee gobalka Bay, ayaa  lagu dhaleeceeyay go aamadii ka so baxay qorshihii lagu sameenaayay Dib u dhiska iyo hormarita goboaalda Soomaaliya, ee loogu talagalay shanta sano ee soo socota iyo waliba heshiiskii ay wada gaareen dhawaan labada gudoomiye gobol ee Shabeelda hoose iyo shabeelada Dhexe mudane Maxamed Dheere iyo mudane Sheekh Yuusuf Indhacade.

Xildhibaan Xaabsade oo la hadlayay dadkii  isigu soo baxay mudahraadkaas ayaa  dhaleeceeyay heshiiskii labadaa masuul isaga oo ku sheegay arin loogu tashanayo beeshiisa, inkastoo ay xulufo ay ahaayeen in muda ah sheikh Indhacade ayaa la tuhmayaa in arintan kala fogeyn doonto labadan masuul, wallow aan indhacade wax jawaab ah wali ka bixin. Arintan oo shabahda erayadii ka soo yeedhay horeenti todabaadkan ninka ay isku hayaan talada beeshooda iyo gabaladooda mudane Abdale deerow Isaaq oo ay isna is ku xulofo ahaayeen maxamed Dheere, jirtoo ay ku kala dhaqaaqeen kadib markii uu dhaleeceeyay deerow heshiiskii Indhocade iyo Maxamed dheere.

Iyadoo uu gudoomiyaha gobalka shabeelada dhexe uu codsaday in ay jawaab ka bixiyaan Geedi Iyo Yuusuf oo iyagu ah masuuliyiinta dawlada ugu sareysa . Xaabsade waxa kale uu sidaas oo kale gaashaanka ugu daruuray go’aankii Dib u dhiska iyo hormarita gobalda Soomaaliya oo uu ku sheeagay qorshe ay wataan Geedi iyo Abdilaahi Yuusuf  lagu ka la qaybinayo deeganada beeshiisu ay leedahay.

 

Abdifatah Mahamed Abdinur
RSTVonline.com