|
Xildhibaano iyo wasiiro xalay lagu xirey
Hotelka Chester House ee magaalada Nairobi oo saakay laga
sii daayey
Qaar ka mid ah xildhibaanadda iyo wasiiradda dawladda ku meel gaarka ah ee
soomaaliya oo xalay kor-ka lagaga xir-xiray hoteladdii ay degganaayeen
ayaa saakay laga sii daayey hotelka Chester House ee ku yaalla magaaladda
nairobi ee xarunta waddanka kenya
In ka badan 50 xildhibaanad oo ka tirsan dawladda ku meel gaarka ah ee
soomaaliya oo xalay si kadis ah qolalkii ay degganaayeen kor looga
xirxiray ayaa saakay waxaa ku guulaystay ciidanka booliiska ee kenya kadib
markii qaar ka mid ah wasiiradda dawladda federalka ah ay ku wargaliyeen
dawladda kenya in xildhibaanaddaasi ay xabsi ahaan ugu jiraan hotelka
Chester House ee magaaladda nairobi
Mid ka mid ah xildhibaanadda dawladda federalka ku meel gaarka ah ayaa u
sheeggay Teleefishinka Rochester Somali TV in ay hotelkaasi ay ka carareen
qaar badan oo ka tirsan xildhibaanadda dawladda ku meel gaarka ah Iyadoo
dhammaan xildhibaanadda iyo wasiiradda hotelkaasi degganaana la sheeggay
in maalmaha soo socdo laga rari doonno hotellada ay degganyihiin
Xildhibaankaasi ayaa sidoo kale Telishisinka u sheeggay in arrinkani ay
baryahan oo dhan ay ka taagnayd hotelkaasi Isagoo intaasi ku daray in aan
milkiilihii hotelkaasi aan dhowr bilood la siinin lacagtii ay kiro ahaan
ay ugu jireen
Si kastaba ha haatee ku dhawaad 20 xildhibaan ayaa saakay ka soo baqoolay
Hotelkaasi islamarkaasna dib ugu soo laabtay meelo kale oo ka mid ah
xaafadda ay soomaalidu degto ee Islii, Waxaanna soo baxaya warar sheeggaya
in qaar kale oo ka tirsan labada gole ee xukuumadda ay ku xanibanyihiin
hoteelo kale oo magaaladda ku yaalla
Danjiraja dowladda Kenya u qaabilsab arimaha Soomaliya Maxamed cabdi
Afey iyo mas"uuliyiin kale ayaa haatan ku howlan sidii ragga xanibana loo
sii dayn lahaa islamarkaasna meelo kale loogu rari lahaa.
Dhinaca kalena waxaa goor dhow soo gaarey magaalda Muqdisho wefdi
ballaaran oo uu hoggaaminayo ra"isul wasaare Cali Mahamed Geeddi kuwaasi
oo ku sii jeeda caasimadda soomaaliya ee Muqdisho,
Waa markii ugu horraysay tan iyo markii ra"isul wasaare geedi loo
magacaabay Wasiirka ugu sareeya golaha xukuumadda oo tagga magaala madaxda
soomaaliya ee Muqdisho.
Wixii war ah ee soo kordha la soco...
Mursal Quule RSTV Nairobi.
|