Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

Kenya baabuur laga soo dhacay ee loo xir xirey gaacsato soomaali ah oo dib loogu celiyay kenya...

Baabuur laga leeyahay dalka Kenya oo dhowr maalin ka hor koox maleeshiyo Soomaali ah ka soo dhaceen gudaha dalkaasi ulana soo talaabeen dhinaca Soomaaliya gaar ahaan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa shalay galinkii dambe lagu wareejiyay mas'uuliyiinta maamulka iyo saraakiisha amaanka degmada Mandheera ee gobolka W/bari Kenya.

Dhaca baabuurkani oo ay ku raad joogay maalmahan maamulada iyo odayaasha degmooyinka B/xaawo iyo Luuq ayaa ugu dambeyntii ku guuleystay in baabuurkaasi ay kala wareegeen maleeshiyadii dhaca ku heysatay. Dhaca baabuurkaasi ayaa saameyn balaaran ku yeeshay xiriirka u dhaxeeyay degmooyinka dariska ah ee B/xaawo iyo Mandheera, iyadoo booliska Mandheera ay arintaan aawadeed u xireen dhowrkii maalmood ee ugu dambeysay dad Soomaali ah.

Mas'uuliyiinta degmada Mandheera oo ka hadlay wareejinta baaburkani oo ka dhacday xadka u dhaxeeya labada dal ayaa waxa ay sheegeen in loo baahan yahay xiriirka iyo wax wada qabsiga u dhaxeeya labada dal.

Nooca maandooriyaha xashiishka loo yaqaano ayaa ciidamada maamulka degmada Afgooye gacanka ku soo dhigeen....

Maandooriyaha xashiishka ayaa lagu soo waramayaa in maamulka degmada Afgooye ay qabteen iyadoo laga ganacsanayay ka dib howlgal ay maanta sameeyeen ciidamada degmadaasi, iyadoo goobta lagu ganacsanayay xashiishka aan horey loo ogeyn.

Howlgalkaan ay qaadeen ciidamada nabadgalyada degmada Afgooye oo ka dhacay xaafadda Damaleey oo ka tirsan degmadaasi ayaa gudoomiyaha maamulka degmada Afgooye Xuseen Cali Weheliye ( Cirfo ) oo ii waramay ayaa sheegay in howlgalkan uu dhacay 10 kii subaxnimo ee saakay ka dib markii ay ka war heleen in guri ku yaala xaafadda Damaley oo dhawaan dil ka dhacay ay dadka si aad ah ugu cabaan xashiishka.

Gudoomiyaha degmada Afgooye ayaa waxa uu intaa ku daray in cabashooyin badan oo ay soo gudbiyeen dadka degaanka oo ku aadan wax ka qabashada dadka isticmaala maandooriyaha xashiishka. isagoo sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen xashiishad garaamkeedu gaaraya ilaa 85 kg.Ugu dambeyntii Xuseen Cali ( Cirfo ) Gudoomiyaha degmada Afgooye waxa uu sheegay in hal qof ay ku soo qabteen howlgalka ay sameeyeen ciidamada maamulka degmada Afagooye ayna u taxaabeen xabsiga, Si kastaba ha ahaatee xashiishakani gacanta lagu soo dhigay ayaa lagu wada in goor dhow meel fagaaro ah lagu gubo

Wadada isku xirta Baladweyne iyo Matabaan oo isbaarooyinka ku soo badanayaan...

Isbaarooyin ayaa lagu soo waramayaa in ay ku soo badanayaan inta u dhaxeysa magaalooyinka B/weyne iyo Mataban.Kooxo maleeshiyo ah oo aan cidna ka amar qaadan oo labo labo iskula socda sida la sheegay ayaa waxa ay isbaarooyin soo dhigteen wadada u dhaxeysa labada magaalo ee Matabaaan iyo B/weyne, iyagoo dhibaatooyin u geeysta gaadiidka iyo dadka safarka ah ee isticmaala wadadaasi.

Gaadiidka iyo dadka ku safra wadaasi ayaa waxa ay walaac ka muujiyeen isbaarooyinka ku soo badanaya wadadaasi, iyadoo aysan jirin ilaa haatan cid isku howshay in ay wax ka qabato.

Dhinaca kale wabiga shabelle ee mara magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in uu soo buux dhaafay, iyadoo dadka ku dhaqan xaafadda kooshin ee agagaarka wabiga ay ka cabsi qabaan in wabiga uu ku soo qarshubo. Dadka ku dhaqan xaafada Kooshin ayaa waxa ay wadaan dadaalo ay ku doonayaan in ay kaga hortagaan fatahaada laga yaabo in uu sameeyo wabiga, iyagoo diyaariyay jawaano carro ah.

 

Maamulka Dooxada Jubba ayaa si rasmi ah uga hadley weerarkii lagu qaadey guriga wasiirka dibu dhsiaka Barre Hiiraale...

Isbaheysiga Dooxada Jubba ayaa si rasmi ah uga hadley weerarkii lagu qaadey guriga wasiirka dibu dhsiaka Barre Hiiraale

Af-hayeenka Isbaheysiga Dooxada Jubba Bile Cabdulle Cabdi oo shir jaraa段d qabtey ayaa markii ugu horeysa kaga hadley falkii maalnimaddii shaley ka dhacey gudaha magaalada Kismaayo, kaasi oo ahaa tacshiiradii ay is weeydaarsadeen ilaalada wasiirka dibu hdiska iyo dibu dajinta ee dowlada federaalka KMG ah ee Soomaaliya Barre Aadan Shire iyo koox maleeshiya ah oo iyana ka tirsan ciidamada Isbaheysiga Dooxada Jubba.

Bile Cabdulle Cabdi waxa uu beeniyey wararka sheegaya in lasoo weerarey guriga wasiirka, isagoo dhacdadii shaleyna ku tilaamey mid ku dhacdey khalad iyo is fahamwaa kudhex marey labadaasi maleeshiyo.Waa markii ugu horeyay oo falkan ceynkan ama isku dhac ceynkan oo kala ah uu ka dhaco magaalada Kismaayo gaar ahaana guri uu leeyahay mas置ul ka tirsan Isbaheysiga Dooxada Jubba, wuxuuna falkan ku soo beegmayaa maalin kahor xili la filayey inuu magaalada Kismaayo soo gaaro wafdi uu hoggaaminayo ra段isal wasaare Cali Maxamed Geedi.

Mar aan afhayeenka wax ka weeydiiney in falkii maalinimadii shaleyto wax u dhimi karayo amaanka magaalada iyo soo dhoweynta ra段isal wasaaraha, ayaa waxa uu afhayeenka meesha ka saarey waxla yiraahdo amaan xumo ku timaada gobolka, iyo u diyaar garowga iyo soo dhoweynta ra段isal wasaaraha dowlada FKMG ah ee Soomaalya, walina waxaa magaalada Kismaayo ka soconaya hawlo loogu diyaar garoobayo imaanshiyaha magaalada ra段isal wasaare Geedi.

Muqdisho xubnaha ku sugan ee labada gole ayaa sheegay in ay bilaabayaan holwlo ficil ah...

Xubnihii labada gole ee ku sugnaa magaalada Muqdisho ayaa bilaabaya wajigii 2aad ee howlihii nabadgalyada gobolka Banadir ay u joogeen oo ay sheegeen in howlahaasi ay noqon doonaan kuwo Ficil ah.Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan Afhayeenka labada gole ee Muqdisho ku sugan oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in uu soo gabogaboobay Facekii 1aad ee kulamadii ay ku yeelanayeen magaalada Muqdisho isla markaana ay kaga hadlayeen sidii maleeshiyada looga saari lahaa, amniga magaalada Muqdisho loo xasilin lahaa.

Wajiga 2aad ee kulamadooda oo bilaabanaya maantana furmaya oo uu sheegay in ay ku dhaqaaqi doonaan nidaam ficil ah oo amniga magaalada lagu sugayo taasi oo hormuud ka noqonayaan 13 kuu khuburo ee laga soo kala xulay ciidamad Militariga Asluubta iyo booliska iyo madaxda maleeshiyaadka oo iyagu waxii ficil ah sameyn doona.Cumar Xaashi Aadan waxa uu sheegay maanta oo ah maalin sabti ah ay furitaan u noqon doonto todobaadkan ficil lagu badalo howlaha wax ka qabashada amniga magaalada Muqdisho.

 Wariye
Abdifitahaam Ahmed
Mogadishu - Somalia

RSTVONLINE.COM