Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

Labada masuul ee u sareeya DFKS ayaa booqosho kormeer ah  ku gaadhay magaalooyin ka mid ah maamul gaboleedka Puntland oo ay maalmahanba ay ku sugnaayeen.

Wafdigan ay hoogaaminayeen madaxwayne Yuusuf iyo Raysal wasaare Geedi oo uu safarkoodu ahaa mid dhulka ah  ayaa soo gaadhay magaalada Qardho halkaas oo ay ku soo dhaweeyen dad wayne aad u fara badan oo safnaa wadada hareeraheeda, oo isugu jiray ardayda dugsiyada, ururada arimaha bulshada, hooyooyinka iyo masuuliyiin katirsan hay’adaha dowliga ah ee ay ka koobantahay maamul gobaleedka Puntland.

 Waftigan oo ay galbinaayeen kolonyo baabuur ah oo aad ufara badan waxay u sii gudbeen Xurunta maamul gobaleedka puntland ee Garoowe halkaas oo uu ku soo dhaweeyay madaxwaynaha maamul gobaleedka Puntland mudane Cade Muuse oo isagu ka qayb galin soo dhaweentii hore ee ay masuuliyiintan ku yimaadeen Magaalada Boosaaso balse maanta ku qaabilay xurintiisa Madaxtooyada iyada oo ay warar lagu kalsoonyahay sheegayaan in ay si wada jir ah Saxaafada ugu sheegi doonan dhamaan waxyaabihii ay ka wada hadleen go aamadoodii ah arimo dan u ah labada dhinacba sida ay RSTV u xaqiijiyeen ilo mahiim ah .


Abdifatah Mahamed Abdinur
RSTVonline.com