|
Madaxweynaha Somaliland iyo socdaalkiisa Yurub
Madaxweynaha Jamhuuriyada isku magacowday Somaliland
ayaa waxa uu socdaal howleed ku marayaa wadamada yurub qaar ka mid sida
Norwya iyo jarmalkam. Mudadii uu mudane Riyaale ku sugnaa dalalka Norway iyo
Jarmalaka wuxuu la kulmay jaaliyada Somaliland eek u dhaqan wadamadaa, isaga
oo warbixino ku saabsan xaalada siyaasadeed ee Somaliland uga waramay
dadweynihii faraha badnaa ee isug yimid kulnadaas. Kuna guubaabiyay inay
muujiyaan isku duubnaan, dadaalna u galaan sidii ay wadankooda wax ugu qaban
lahaayeen hadii ay noqon lahayd dhinaca siyaasada ama dhaqaalaha.
Socdaalka Md. Daahir Riyaale oo la sheegay inuu qaadan
doono mudo labo todobaad ah ayaa lagu sheegay inuu la xiriiro howlo citiraaf
u raadin iyo mid caafimaad. Mudadii uu wadanka ka soo maqnaa Riyaale ayaa
waxaa isa soo tarayay warar kala gadisan oo ku aadan xiriirka isaga iyo u
dhaxeeya wasiirkiisa arimaga dibada Adna, oo ay warbaahinada qaar lagu
shaaciyay inay is casishay oo isl markiina la beeniyay,
sidoo kale intii uu wadamadaa socdaalka ku joogo Mudane
Riyaale ayaa lagu soo waramayaa inay muujiyeen sida ay midowgaYurub uga
xunyihiin ergaygii ECda u fadhiyay magaalada Hargeysa ee dhawaan laga eryay
dalka Somaliland, kaas oo lagu eedeeyay howlo la xiriira taageerida
Somaliweyn iyo xayiraad dhinaca dhaqaalaha oo wadamada yurub u wadeen
wadanka somaliland oo uu wakiilku hor istaagay sida uu wasiirka is kaashiga
caalamiga ah ku eedeeyay.
Samatar
RSTVonline .com |