Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Madaxweynaha Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf ayaa xalay khatka isgaarsiinta kula soo xiriiray,Gudoomiyaha Baarlaamka Shariif Xasan,isagoo ugu hambalyeeyay kulankii dhiira-gelinta ahaa ee ka dhacay Magaalada Neyrobi,kulankaas oo ay ka soo qeyb-galeen,Xubnaha Mu,ayidka iyo Mucaaradka labada gole ee Dawlada.

Madaxweynaha ayaa kula taliyay,Gudoomiyaha in sida keliya ee khilaafaadka lagu dhameyn-karo,inay tahay iyadoo loo hogaansamo sharciyada u degsan Baarlamaanada Aduunka oo qoraya,in la raaco halka ay u bataan codadka Xildhibaanada (Majoraty-Leads-Minoraty).

Gudoomiyaha Baarlamaanka,ayaa markii ugu horeysay ka dhawaajiyay,inuu raacayo qaanuunka u degsan Baarlamaanka,isla markaana wuxuu balanqaaday in sida oogu dhaqsiyaha badan inuu isku keeni doono,dhamaan Xubnaha Baarlamaanka,Mu,ayid iyo Mucaaradba.

Warar si hoose loogu soo dusiyay,Warsidaha Idamaale,ayaa sheegaya,in Gudoomiyuhu ka codsaday Madaxweynaha,in kulanka ugu horeeyo ee fadhiga Baarlamaanka in lagu qabto,Magaalada Baydhabo,Madaxwenahana wuxuu ugu jawaabay,xitaa hadii lagu qabanayo,Jasiirad Juwaay ee ku-taal Jubada Hoose,inuu ka qeyb-galayo.

Dhinaca kale mid ka mid Xogheynta Madaxweynaha oo diiday in magaciisa la xuso,oo aan khatka Teleefonka kula xiriirnay,ayaa noo xaqiijiyay,in uu jiro Xiriir xaga isgaarsiinta ah ee dhexmaray,Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa khatka Teleefoonka Hambalyo ugu diray,Maxamed dheere heshiiskii bilowga ahaa ee ay khatka Teleefoonka kuwada xiriireen,Yuusuf indhacade.

Xeeldheerayaasha ku taqasusay hab-dhaqanka Gudoomiyaha Baarlamaanka,ayaa aaminsan inay adag-tahay inuu keligiis go,aan qaadan-karo,isaga oo aan la tashan Hogaamiyaasha hubeysan ee gacanta ku haya ee fadhigoodu yahay,Magaalada Muqdisho.

Source
Godogado.
Idamaale News