Maamulka Maxamed Dheere oo xaruntii UNICEF ee Jowhar Dib
Ugu Wareejiyey
Wada Hadal Kadib
Sida lagu sheegay war goor dhaw laga soo saaray
Magaalada Nairobi Xafiiska UNDP ayaa Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda
shabeelaha dhexe. Maxamed Cumar Xabeeb (M Dheere) ayaa saaka waxaa uu
xaruntii UNICEF ee Jowhar ku wareejiyay Qaramada Midoobay.
Mid ka mid ah Shaqaalaha Unicef oo dhalashadiisu tahay
Soomaaliya ayaa lagu wareejiyay Fureyaasha xarunta UNICEF ee Magaalada
Jowhar oo Labo Maalin ka hor ay la wareegen maleeshiyo Daacad u ah Maxamed
Cumar Xabeeb (M.Dheere) oo ah Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda shabeelaha
dhexe.
Qaramada Midoobay warka ay maanta ka soo saartay
Magaalada Nairobi ayaa waxay ku sheegtay inay ka fiirsan doonto howsha
samafal ee ay ka wado magaalada Jowhar oo xarun u ah qeyb ka mid ah
dowladda Federaalka Soomaaliya.
Dhawaan ayaa shaqaalaha Caalamiga ee Qaramada Midoobay
laga saaray magaalada Jowhar,iyadoo 6-ka mid ah la geeyay Magaalada Waajid,
halka 7 kalena la geeyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Maxamed Dheere ayaa la sheegay inuu si niyad sami ku
jirto ugu wareejiyay xarunta UNICEF ee Jowhar Wakiil ka socday hay’adaas,
taas oo lagu soo afjaray khilaafkii u dhaxeeyay Maamulka iyo qaramada
Midoobay.
Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula
Muqdisho Somaliya