Sunday April 18, 2010
Qiiqii
ka dhashey folkaanadii ka dhacdey Yurub oo la filayo inuu yaraado maalinta
isniinta ah
Ka dib foolkaano ka qaraxdey waddanka Iceland oo ku
yaalla waqooyiga Yurub ayaa waxaa soo dul dagay hawada dalalka reer Yurub
qiiq weyn oo la sheegay inuuu dhibaato gaarsiin karo duulimaadyada
diyaaradaha isaga kala guusha dalalka reer Yurub iyo aduunka intiisa kale.
Qiiqaas ayaa waxaa uu dul heehaabayaa hawada sare ee inta
badan dalalka ku yaalla qaaradda Yurub, waxaa uu cabsi weyn ku beeray
duulimaadyada cirka ee dalalkaas.
laga soo bilaabo maalintii Khamiistii waxaa la hakiyey
safaradii cirka ee dayuuradaha imaanayey iyo kuwaq ka duulayey qaaradda
Yurub waxaana arrintaas ka dhashey khasaare lixaad leh oo soo gaaray
shirkadaha diyaaradaha ee dalalka Yurub iyo waliba guud ahaa adduunyada.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.net
Dhabadii lasoo marey ninkaan raadkii dib u dheehan oon
dhaar ku marin meeriskii shiman inuu buuxsho dharag waa ka xaaraan
dhallaankiisu mahadshaa. Abwaan Xasan Sh. Mumin
13432093
© RSTV 2004-2009. All Rights Reserved |