Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

Ciidankii Ugu Horeeyay ee soomaaliya tagayay oo shaaca laga qaaday!

 

Ciidankii ugu horeeyey ee Midawga afrika ayaa shaaca laga qaaday in cutubkoodii ugu horeeyay ay u kicitimayaan dalka Soomaaliya bisha May,8 2005.Waxa sidaas caddeeyey  afhayeen u hadlay wasaaradda Gaashaandhigga ee dalka Uganda. Afhayeenkan oo sheegay in ay ciidamada dalkisu noqon doonaan ciidamada ugu horeya ee tagaya soomaaliya ayaa waxa uu saxaafada u cadeeyay in ay ka koobnaan doonaan 750 askari oo aad u tababaran. Inakasta oo aanu afhayeekan sheegin halka ay ku dagi doonaan. Balse waxa uu afhayeenkan cadeeyay in aanay ciidamadani qorshahoodu aheyn in ay cidna

 la dagaalamaan balse ay is difaaci doonaan Hadii lasoo weeraro.Waxaanu Sarkaalkani sheegay in ciidamadan iyo kuwakale ee kasocda dalalka Igad ay shaqadoodu naqondoonto in ay amaanka sugaan ilaaliyaana meelaha  dowladda u ah fariisimada.   Waxaanu masuulkani ka codsaday dhamaan shacbiga soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan in ay la shaqeeyaan  ciidamadan u hawl galaya dib u heshiisiinta iyo nabadeynta umadda soomaaliyeed ee dagaalada sokeeeye ay aafeeyeen.

 

Abdifatah Maxamed Abdinur

RSTVONLINE