Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Socdaalka madaxweyne Cabdullahi Yusuf iyo Wasiirka Koowaad Cali Maxamed Ghedi ay ku marayaan Puntland.

Amaanka gobololada Puntland guud ahaan gaar ahaan Boosaao iyo Garoowe ayaa loo adkeeyay ka dib markii ra'isal wasaare Cali M. Ghedi uu xarunta cusub macadka ciidanka nabadgalayada Soomaliyeed, labada Masuul ee ugu sareeya dowlada ku meel gaarka ayaa waftigoodu ku suganayahay Puntland, illaa hada ma cada marka laga reebo furitaanka macadkan iyadoo ay jiraan howlo kale oo rabaan inay ka fuliyaan goboladan.

Waftiga dowlada oo uu soo dhaweeyay Cade Musse madaxweynaha maamulgoboleedka puntlanad ayay waxay ka wada hadleen sidii dowlada ku meel gaarka loo taageeri lahaa xilligan oo ay u baahantahay caawimaad iyo taageero balaaran.

RSTVonline
Boosaaso