|
Booliska Kenya oo xalay qabqabtay
Soomaali badan oo degan magaaladda Nairobi
Sida uu ku soo waramayo wariyahayaga Nairobi ciidamada
Boliiska ee Kenya ayaa xalay ku qabqabtay caasimadda kenya ee nairobi dad
aad u faro badan oo dhammaantood soomaali ah
Taliyaha ciidanka booliiska ayaa sheegay in halka lagu
xir xirey dadka Soomaaliyeed ay aheyd meel dhawaantan lagu dilay dad isugu
jira soomaali iyo kenya hase ahaatee lama garanayo cidda ka dambaysay
dilalkaasi . Sikastaba ha ahaatee dadka soomaaliyeed ee habeenkii xalay
ahayd lagu qabqabtay magaaladda nairobi ayaa waxaa la sheeggay in maxkamad
la soo taagi doonno maalinta isniinta ah ee foodda inagu soo hayso,
Qabqabashadani ayaa waxay ku soo beegan tay xilli dowladda
FKMG ay wali ku sugan tahay magaalada Nairobi oo aanay wali u digo rodan
dalka soomaaliya
Ilaa iyo hadda ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay
dhinaca dawladda federalka ku meel gaarka ah ee soomaaliya oo ku sabsan
dadkan habeenkii xalay ahayd si kadis ah looga soo qabqabtay aqaladoodii
Iyadoo dhinaca kalena qaar ka mid ah dadkii la xir xiray oo aan kula kulmay
Pangani Police Station ayaa ii sheeggay in aysan garanaynin waxa lagu soo
qabtay hase ahaatee dadkii la qabqabtay ayaa dhammaantood waxay ahaayeen dad
qaxooti soomaaliyeed ah
Mursal Quule RSTV Nairobi.
|