Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

 

R/wasaare Geeddi ayaa Taageerey Qorshaha Madaxda labada gole ee ku sugan Muqdisho

Tan iyo markii ay xubno katirsan lada gole DKFS ay tageen magaalo madaxda Soomaaliya ee Maqdisho ayaa waxa isa sootaraya taageerada uga imanaysa masuuliyiinta ugu sareeysa dowladda.marhadda laga soo wareegay maalmo ayaa waxa kasoo baxday xafiiska madaxwaynaha soomaaliya Cabdilaahi Yuusuf axmed wareegto uu ku taageerayo qorshaha ay wadaan masuuliyiintaasi.

.Isla manta oo taariikhdu aheyd 26kii bishan april ee 2005ta ayaa markale ay shir  isugu yimaadeen Rasalwasaaraha DKFS Pro Cali Maxamed Geedi iyo masuuliyiin katirsan labada gole ee kusugan magaalda Nairobi. Kulakan oo ay ka soo qayb galeen ugu yaraan toban wasiir ayaa waxa kamid ahaa wasiika arimaha gudaha eng Xusuun Faarax Caydiid iyo wasiirka horomarita reer miiyiga mudane Maxamed  Maxamuud Gacmadheere.

waxaanay kawada hadlayeen sidii loo xalin lahaa arimaha qalafsan ee ka jira soomaaliaya iyo sidii lasigu soo dhawayn lahaa mowqifka siyaasadeed ee masuuliyiinta golaha shacbiga iyo golaha wasiiradaba. Islamarkaana waxay daaha ka qaadeen in ay taageersan yihiin hawsha soo celinta amniga ee magaalada muqdisho ay aka wadaan masuuliyiinta haatan jooga mudisho.

 Iyaga oo ku tilmaamay wax lagu farxo dadaalkasta oo loogalo soo dabaalida xaalada murugsan ee shacbiga ku haysata Magaalo Madaxda. Waxay kaloo ugu baaqeen masuuliyiinta haatan ku sugan gudaha soomaliya in ay u dhaga nuglaadaan hindisaha nabadeenta umadda soomaaliyeed ee ay doladda ay ka midka yihiin waddo. islamarkaana ay ku soo laabtaan Nairobi si loo xaliyo khilalafka dhexdooda  ah umadda Soomaaliyeedna looga midha dhaliyo dawladda ay mudada ka dhur sugayeen.gababadiina waxay is ku afgarteen in Xamar loo diro gudi dowladeed oo heersare ah.

 

Abdifatah M. Abdinur

RSTVONLINE.COM