Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Dhibaatooyin ba'an oo ka soo cusboonaaday degmada Afdhuug oo ka tirsan Gobolka Wardheer Somalida Ogadenia(Ethiopia)

wararka ka imaanaya deegaanka kililka shanaad Ogadenia ayaa lagu soo waramayaa in dhibaatooyin ba'an ka dhaceen deeganka Afdhuug, Lahelow iyo meelo kale oo farabadan kana tirsan gobolk Doolo ama Wardheer ee ismaamulka Soomalida Ethiopia (Ogaden). deegaanka oo ay inta badan ka dhacaan dagaalo dhexmara Ciidanka dowlada ehtiopia iyo kuwa ka soo horjeeda ee ONLF ayaa si ba'an u saameeyay shicibka aan hubaysnany ee deegaankaas ku dhaqan.

Ugu yaraan tiro ka badan 60 qof oo shicib ah ayay ciidamada dowlada Ethiopia qabqabteen ka dib markii uu dhacay iska hor imaadyo urukaka ONLF iyo Ciidanka Dowlada, sida uu ku soo waramayo wariyaha RSTV u fadhiya magaalada Wardheer, dadkan oo aan waxba galabsan ayaa mar walba saameeyn lixaad leh iyo dhibaato fara badani ka soo gaaraan mar kasta oo ay xoogaga is haya iskudhacaan. Bishan december ee sanadakan 2005 ayaa guud ahaan gobolka soonka shanaad ayaa waxyaalo xun xun meelo kale duwan soo gaareen.

Magaalada Qabri dahare, fool jeeex, Gunagado iyo gobolka doolo ayaa ah kuwii ugu danbeeyay ee dhibku sida ba'an u soo gaaray. waxyeeladan ugu danbeeysay ayaa lagu soo waramayaa in dadka la qabqabtay marka laga reebo lagu dilay 4 qof oo degenaa magaalada Afdhuug, iyadoo ciidamada dowladuna ku hanjabeen inay dhamaan agaas gubi doonaa sida magaalada fool-jeex oo gabi ahaanba la gubay.

Xaalada nololeed ee deegaankaas ayaa laga soo deyrinayaa dhinaca amaanka, waxayna wararku tibaaxayaa in cadaadis xoogan ay dhinacyada is haya sida ONLF iyo ciidanka dowladu saareen meelaha ka baxasan goobaha waaweeyn ee wadanka.

RSTVonline.com
Jigjiga