Tuesday May 11, 2010
Warar hoose oo sheegaya
in Ruushku uu si caddaan ah u diley Burcaddii Soomaalida.
Warar aan aad loo hubin oo si hooe uga soo fakadey
saraakiil Ruush ah ayaa sheegaya in Ciidamada Commandooska ee dalkaasi oo
todobaadkii hore weerar ku qaadey Markab ay haysteen Burcad badeed Soomaali
ah la diley isla markii la qabtey.
Wasaaradda Gaashaandhiga Ruushka ayaa markii hore waxay
sheegeen inay qabteen burcaddii Soomaalida ahayd isla markaasina ay ka
badbaadiyeen markabkii ay haysteen isla mar ahaantaasina ay doonayaan inay
maxkamad ku saaraan dalka Ruushka gudihiisa.
Warkaas markii uu soo baxay ayaa waxaa la is weydiinayey
sharci ahaan sida Ruushku uu maxkamad u soo taagi karo burcaddaasi,
shakigaasi oo jirey darteed warbaahintu waxay indhaha ku haysey keenista
raggaasi Soomaalida ah iyo waliba halka lagu xiri doono.
Maalmo yar ka dib ayey Sarrkiil Ruushan ahi waxaa ay
sheegeen in nimankii Soomalida ahaa ee laga sii daayey Markabkii Ruushka ay
dhinteen ka dib markii la fasaxey loona sheegey inay ku laabtaan dhulka
Soomaaliya, sheegashada dambe ee ah in la sii daayey ayaa waxay hor dhac u
tahay shakiga ah in nimankaasi isla markii la qabteyba ay dileen si ula kacc
ha u toogteen ciidankii falka fuliyey haddii ay run noqoto oo nimankaas
Soomaalida ah la toogtey markii markabka laga qabteyba waxay taasi
noqonaysaa fal aad looga naxo oo ah mid gef ku ah xuquuqda maxaabiista la
qabto.
Waxaa wali socda baaxitaan ay wadaad kooxaha u dooda
xuquuqda bani'aadanka kuwaasi oo ku raad jooga sidii wax u dhaceen.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.net
Dhabadii lasoo marey ninkaan raadkii dib u dheehan oon
dhaar ku marin meeriskii shiman inuu buuxsho dharag waa ka xaaraan
dhallaankiisu mahadshaa. Abwaan Xasan Sh. Mumin
13432093
© RSTV 2004-2009. All Rights Reserved |