Thursday May 13, 2010
Shabaabka oo la sheegay
inay sii daayeen nin Soomaali ah oo lagu eedeeyey inuu haysto diinta
masiixiga.
kooxda Al-shabaab ee maamula magaalada Jowhar ayaa la
sheegayaa inay sii daayeen nin hore loogu haystey inuu diin ahaan haysto
diinta masiixiga.
Ninkaasi oo xabisga ku jirey muddo 2 bilood ah ayaa la
sheegey in lagu waayey waxyaabihii markii hore lagu soo eedeeyey oo ahayd
inuu k abaxay diinta islaamka oo markii hore uu ku dhashey.
Maxkamad ay maamulaan kooxda Alshabaab ayaa sii daysay
ninkaasi iyadoo taasi u cuskatey sida ay sheegtay in ninkaasi aanu ka bixin
diinta islaamka.
Isla ninkaasi oo markii la sii daayey saxaafadda la
hadley ayaa sheegey in sababta keentey in lagu tuhmo inuu haysto diinta
masiixiga ay ahayd Book laga helay gurigiisa buugaasi oo ah midka loo
yaqaano (Bible) oo ay akhristaan dadka Kistaanka ah, waxaana uu sheegey in
buugaasi uu soo galey wakhti hore oo uu u shaqeyn jirey ciidamadii UNOSOM ee
sagaashanaadkii guramadka u yimid Soomaaliya.
Waxaa dad badan la yaab ku noqotey in Al-shabaab ay cafis
u fidiso, qof ay hore u soo qabatey iyadoo dadka intiisa badan ay ku
eedeeyaan ururkaasi in yahay mid aan ka fiirsanin dadka ay qabtaan oo isla
markaasi ay hore kaga xukumaan wax yaabaha lagu soo eedeeyo.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.net
Dhabadii lasoo marey ninkaan raadkii dib u dheehan oon
dhaar ku marin meeriskii shiman inuu buuxsho dharag waa ka xaaraan
dhallaankiisu mahadshaa. Abwaan Xasan Sh. Mumin
13432093
© RSTV 2004-2009. All Rights Reserved |