Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Tuesday May 11, 2010

Jabhadda ONLF oo beenisey in la dilay Abdikariin Sheekh Muuse sheegashadan Itoobiya ay tahay mid aan jirin.

Sarkaal sare oo u hadley Jabhadda Xoreynta Ogaden ayaa shaaca ka qaadey in taliye sare oo ka mid ahaa hogaamiyeyaasha dagaalka uu nool yhaay isla markaana  sheegayashadii Itoobiyana ay tahay mid been ah.

Cabdirahmaan Sh. Mahdi oo ah xoghayaha arrimaha dibadda ee jabhadda ONLF ayaa sheegay in Cabdikariin Sh Muuse uu nool yahay isla markaana uu wakhtiga ku habboon uu la hadli doono warbaahinta Soomaalida.

Cabdikariin Sheekh Muuse ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa lagu arkayey sawiradiisa warbaahinta Itoobiya iyagoo sheegay inay dileen ka dib markii dagaalo ay dhexmareen ciidanka Itoobiya iyo jabhadda ONLF.

Madaxa Hogaanka nabadgelyada Kililka 5aad ee Itoobiya Cabdi Omar ayaa isagan war uu soo saarey waxaa uu ku sheegey inay ciidanka dowladdu ay dileen Cabdikariin Muuse oo ka mid ah saraakiisha dagaalka ee ONLF waxaana isla mararkaas soo baxayey warar shaki ku jiro oo ku saabsan sida ay dhab u tahay sheegashada Dowladda Itoobiya ay sheeganayso silka ninkaasi.

Si kastaba ha ahaatee waxaa la sugayaa hadalka uu hadli doono Cabdikariin Sh. Muuse oo ay sheegtey jabhaddiisu inuu dhawaan warbaahinta la hadli doono.

 

 

Dhageyso Codka Abdikariin VOA

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.net

 

Dhabadii lasoo marey ninkaan raadkii dib u dheehan oon dhaar ku marin meeriskii shiman  inuu buuxsho dharag waa ka xaaraan dhallaankiisu mahadshaa. Abwaan Xasan Sh. Mumin

 

13432093

© RSTV 2004-2009. All Rights Reserved