Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Monday May 10, 2010

Mowliid Macaane oo sheegay inay nasiib daarro tahay in Baarlamaanku mar walba is khilaafo. 

Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamud oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho maalinimadii shalay ayaa waxa u ka hadlay qilaafka u dhaxeeya Xubnaha baarlamaanka ee isku qilaafsan sharcinimada gudoonka Baarlamaanka oo maal mahanba muran uu ka taagnay waxa uuna Tilmamay Mowliid Macaani in ay ka horayso sharcinimada gudoonka Baarlamaanka kulan ay iskugu yimaadan xubnaha baarlamaanka.

Xildhibaan Mowliid Macaani oo looga bartey hadalo aad uu cad cad ayaa waxaa uu  sheegey inay jiraan howlo badan o u yaalla baarlamaanka Soomaaliya isla markaana loo baahan yahay in wax laga qabto.

Waxaana uu tibaaxey in dalka Soomaaliya uu haatan marayo meel aad u khatar badan loona baahan yahay in arrintaasi lagaga gudbo wada shaqeyn iyo isku duubni lala yimaado oo ay taasina ka qeybqaataan dadka Soomaaliyeed oo dhan.

Xildhibaan Mowliid ayaa sidoo kale waxa u si aad ah u dhaliilay qaabka uu u Shaqeenayo baarlamaanka iyo sida losoo dhisay dowladda KMG ee Soomaaliya ee u ogaaminayo madexweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxuuna intaasi Ku daray in nasiib daro ay tahay isqab qabsiga u dhaxeeya xubnaha Baarlamaanka.

Hadalka xildhibaan Mowliid Macaani Maxamud ayaa imaanaya xili isqab qabsi xoogan uu u dhaxeeyo xubna ka tirsan baarlamaanka dowladda KMG ee Soomaaliya kuwaaso isku heesta sharcinimada xilka gudoonka baarlaamanka taaso ilaa imika aanan laga gaarin xal kama danbees ah waxane ka soconaya Magalada Muqdisho kulamo gaar gaar ah oo ay ku kala yeelanaya xubna ka Tirsan baarlamaanka kuwaaso qaba fikrado kala duwan oo ku aadan sharcinimada gudoonka baarlamaanka

 

 

 

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.net

 

Dhabadii lasoo marey ninkaan raadkii dib u dheehan oon dhaar ku marin meeriskii shiman  inuu buuxsho dharag waa ka xaaraan dhallaankiisu mahadshaa. Abwaan Xasan Sh. Mumin

 

13432093

© RSTV 2004-2009. All Rights Reserved