| |
Thursday May 27, 2010
Kulankii
Baaqa Nabadda Somaliya oo Axadii shalay ka dhacay magaalada Minneapolis, MN.
Minneapolis, May 24 - Kulan balaaran oo ay isugu
yimaadeen Jaaliyada Soomaalida ee Gobolka Minnesota oo ay wahaliyaan
kumaankun kale oo ka mid ah Jaaliyadahaha kale ee iyana Gobalkaasi dagan
ayaan Shalay Ka dhacay Xurinta kubada kolayga ee looyaqano Target Center ka
oo ku taal Badhatamaha Magaalada Minnapolis.
Kulan kan ayaa waxa si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen Haayda Caalamiga ah
ee Liftkids iyo Uruka New Faces of America oo ka hawl gala Gobalka
Minnesota.
Munaasibdan oo aheyd tii ugu horessay ee nooceeda ah oo abid laga sameeyo
Gobalkan ayaa waxa lagu dhawaaqay Maalinta Nabada Soomaliya iyada oo u
jeedada guudna ay ahyen sidii loo bilaabilahaa waji cusub iyo dhaqan
nabadeed isla markaasina hoosta looga xariiqilahaa Jid nabadeed hor leh oo
cusub oo ay Qurba joog ta Soomaliyeed hormood ka noqoto. Sidoo kale kulankan
waxaa lagu soo ban dhigay Dhaqanka Soomaaliyeed wax iyana sidoo kale
Mihrajaan Dhaqameed soo ban dhigay qoomiyado kala Duwan o oay ka mid yihiin
Native Americanka, Latinada , Asian American ka iyo waliba African American
ka.
Munaasibadan Malaalinta Nabada Soomaaliya oo ay goob joog ka ahaayeen culumo
awdiin, hogaamiyayaasha Bulshada, aAqoonyahano iyo dhamaanba qeybaha kala
gadisan ee ay bulshadu ka koobantahay oo ay wahelinayaan ku dhawaad Kun qof
oo ah umada Soomaliyeed eek u nool gobolkaasi. Kulankan ayaa waxa lagusoo
jeediyey qudbado aad u xiiso badan sida isla markaasina xanbaarsanaa fariimo
xigmadaysan oo ku aadan sidii loo nabadayn lahaa Soomaaliya ee ay bulshadu
isu cafiyi lahyd iyada oo loo baahanyahay in beesha caalamkuna ay qeyb
libaax uga qaadan lahayd.
Ugu horeentiiba waxa hadalka Furay Abdifatah Mahamed Abdinur oo ah Madaxa
ururka New Faces of America islamarkaana ahaa xiriiriyaha Shirka ayaa waxa
uu yiri “aynu bilowno Maalin Cusub, aynu meel dhigno waxayaabaha aynu ku
kala duwanahay oo aynu diirada saarno waxyaabaha aynu iskaga midka nahay iyo
danta guud. Aynu ka gudubno mushaakilka dadkeena iyo naafaynta dadkeena.”
Abifatah ayaa ku cel ceshay waa in Nabad loo helaa Soomaaliya taas oo ay
shacab kii iyo dadkii halkaasi isugu yimina ku gacan siiyeen oo u sacaba
tumeen, kagana daba dhawaaqeen.
Kadibna waxa uu hadalka ku wareejiyey Fatxiya Maxamed Absiye oo ah Suxufiyad
madaxbanaan iminkana ka shaqaynaysa Filim ka Sheekeenaya Dhibaatda
Dhaliinyarada Qurbaha. Fadxiya ayaa Hadalkeedi ku bilowday waa maalin
Quruxbadan waan ururinaya neecawdii Nabada. Fadxiya oo ah dhalinyarada ku
kurtay Qurbaha ayaa waxay tiri, waligay waxaan ahaa qof aaminsan in hindise
kasta iyo hiyiga bani’aadanku uu yahay mid la gaari karo. Inkasta oo ay adag
tahay bay tidhi Fadxiyi, in mar marka qaarkood la bilaabo talaabo cusub ay
haboon tahay in la tijaabiyo hiyi cusub lana bilaabo dhamaad iyo dhaxal gal
wanaagsan. Cawaaqib xumada ugu tayada darani waxay tahay markaa waxbaba la
tijaabin oo weli dabada la hayo dawgii hore loogu wiiqmay. Sidaa daraadeed
aynu tiyaabino Jidka nabada ayey Fadxiyo tiri. Fadxiyo o hadalkeedi sii
wadata yaa caanaanatay raga Soomaliyeed. Waxayna sheegtay in ay iyaku
dhibaatada wadaan isla markaasina ay masuul ka yihiin waxa ka dhacaya
Soomaaliya oo ay iyaka keliyahi xal u helikaraan dhibaatada ka jirta haysata
dadkooda iyo dalkooda. “Qofka bani’aadanka ahi waa inuu qirtaa khaladkiisa
si uu u saxo ayay tidhi Fatxiyi, si loo bilaabo dharaar hor leh” Fadxiya
ayaa qudbadeedii kusoo gebagebaysey gabay ama Poem calaacal ah oo dadkii
halkaasi isugu yimi aad u qiiro geliyey.
Waxa isna halkaasi ka hadlay Sheekh Xasan Jaamici o ah Qereen wax ka dhiga
Jaamcad kutaala Magaalada Minneapolis Imaana ka ah Masjidka Dacwa. Sheekh
Xasan oo isagu ka hadlay muhiimada nabada iyo waxay diintu ka qabto ayaa
sheegay in diinta Islaamka ay muslimiinta farayso abuurida iyo xajinta
Nabada. Sheekh Xasan ayaa hoosta ka xariiqay in ay Soomaaliya Nabad u baahan
tahay maanta Barina anaay Sugi kareen.
Saciid Axmed Gaashaan oo ka mid ah Aqoonyahanada gobalka dagan, in badana ka
shaqaynayey arimaha Bulshada ayaa isna halkaasi ka jeediyey qudbad aad u
cilmiyaysan oo uu kula hadlayey Bulshada caalamka. Waxana uu sheegay in sida
lawada ogyahayba ay mar marka qaarkood dagaaladu yihiin talaabooyin lagama
maarmaan u ah hiigsashada nabada, hadana waa in uu dagaalku noqdaa mid leh
bilow iyo dhamaad oo la og yahay hadafka iyo ujeedada laga leeyahay
dagaalkaasi. Gaashaan waxa uu intaasi raaciyey in dhibaatada iyo dagaalada
Soomaaliya ay haatan noqdeen kuwo taxane ah oo aan la fahmi Karin ula
jeedada iyo xataa qadiyada dagaaladaasi ka socda dalka Soomaaliya. Waxana uu
Gaashaan kusoo gebagebeeyey qudbadiisii in maadaaba uu caalamkii haatan
noqday hal magaalo oo keliya ama Global Village ay lagama maarmaan tahay in
beesha Caalamku ay si daacad ah wax uga qabato. Waayo buu yidhi dagaaladaasi
haday sidaa ku sii socdaan saamayn wayn ayay ku yeelanayaan guud ahaanba
beesha caalamka. Waana masuuliyad saaran awoodaha aduunka in xal loo helo
dhibaatada Soomaaliya ayuu kusoo geba gebeeyey Gaashaan qudbadiisii.
Maxamed Hussein (Gudbaaye) oo ah masuulka labaad ee ururka 'Somali Cause'.
Isla markaasina ka mid ahaa dadkii iyaku isku soo dubaridey kulankaasi baaq
nabadeedka ahaa. Gudbaaye waxa uu ka mid yahay aqoonyahanada aadka ugu
heelan arimaha bulshad ee gobolka. Waxana halkaasi ka qudbadeeyey ayaa
isgana qudbadiisii ku bilaabay, manta waa maalin quruxbadan. Isu
imaatinkiina halkan iyo sida balaadhan ee aad ugasoo qayb gasheen baaq
nabadeedkanina waxa uu ina tusaya sida aad dyaarka ugu tihiin in loo helo
helo nabad iyo deganaansho Soomaaliya. Waxan aad iyo aad ugu faraxsanahay
ayuu yiri Gudbaaye, in aad manta halkan usoo wada istaagteen una
midaysanthiin in umada Soomaaliyeed hesho sinaan iyo cadaalad uu udub
dhexaadkeedu yahay nabad waarta oo lagusoo hirto. Gudbaaye ayaa isaga oo
qudbadiisii sii wata waxa uu intaasi raaciyey in dalka Maraykanku yahay
wadan ay duntiisa ku tidcantahay u dagaalka cadaalada iyo xornimada caalamka
iyo sidii dadwaynaha aduunku meel walba oo ay ku noolyihiin dhamaanba u heli
lahaayeen nabad iyo cadaalad ay ku waari karaan. Waxana uu tusaale u soo
qaatay ereyo taarikhi ah oo uu lahaa Martin Luther King oo ahaa halyeeygii
madoobaa ee usoo halgamey cadaalada iyo sinaanta dadka madoow ee Maraykanka.
Waxana ka mid ahaa ereyadaasi, “Cadaalad daro ka jirta meel ka mid ah
aduunku, waa cadaalad daro ka jirta meel walba oo aduunka ah.” Gudbaye ayaa
qudbadiisii kusoo geba gebeeyey in hadii aynu si daacad ah u qaybsano awooda
iyo maamulka dalkeena aynu dhamaanba u midoobi karno nabada dalkeena
Soomaaliya.
Waxa isna kulankaasi ka hadlay Sheikh Sacad Muuse oo ka mid ah culima
awdiinka ugu waawayn gobolka Minasota isla markaasina ah agaasimaha uruka
Nabada aduunka ama World Peace Organization. Waxa ka mid ahaa qudbadii
Sheikh Sacad Muuse oo ahayd tii lagusoo gebageeeyey kulankaasi, in ay umada
Soomaaliyeed wax ka bedesho caadada foosha xun ee colaada ah oo loo
baahanyahay in aynu biloowno caado cusub oo ku salaysan nabad iyo kala
dambayn sida ay diinta Islaamku ina farayso. Waxana uu Sheikh Sacad Muuse
intaasi raaciyey in la gaadhey wakhtigii tusaale muuqda loosoo qaadan lahaa
caado nabadeeda iyo sida ay diinta Islaamu u quwayso ama ay u qiimayso nafta
qofka bani’aadanka ah oo aynu aduunka ugu muujin lahayn fariintaasi ay
diinteenu ina farayso ee udub dhexaad keedu yahay nabad, nabad iyo amaan
ayuu yidhi Sheikh Sacad Muuse. Sheikh Sacad Muuse ayaa masuuliyiintii
halkaasi isugu timi ku gudoonsiiyey ubaxii nabada.
Waxyaabahii ugu xiisaha badnaa ee halkaasi ka dhacay ayaa waxakale oo iyana
ka mid ahaa, fanaankii caanka ahaa ee reer Minasota axmed Cabdiwaaxid
Gaashaanle ( Axmed yare) oo isagu halkaasi ku muujiyey bandhig faneed aad u
heer sareeya isla markaasina qaaday hees qiiro gelisey dhamaanba dadkii
halkaasi isugu yimi oo ahayd heestii caanka ahyd ee (Afrikaa Qaylisoo) Sidoo
kale waxa isna hees Maraykan ah oo qiiro iyo dhiirigelin ah ka qaaday
fanaanka da’da yare e magaciisa la yidhaahdo Kay Hussein. Waxakale oo iyana
kulankaasi wacdaro layaab leh ka dhigay dhaliinyaro kale oo isgu jirta
ardayda Soomaalieed iskuulad gobolkaasi Minasota. Waxana aysoo bandhigeen
cayaarahii hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed iyo weliba gabayo iyo suugaan
isugu jirey Af-Soomaali iyo English labadaba. Dhaliinyaradan oo ay qaarkood
u hadlayeen dadka aan iyaku codka haysan ee ay dagaaladu aafeeyeen, sida
hooyooyinka, caruurta iyo guud ahaanba bulshada Soomaaliyeed ee uu haadku ka
dhergey. Dhaliinyaradan oo aan badankoodu arag ama ku garaadsan Soomaaliya
ayaa ka tiraanyooday dhibaatada haysata dadkooda ee aadka u daba dheeraatay.




Source Radio Daljir
Qore: WiilWaal - Wiilwaal47@hotmail and Wiilaal47@gmail.com
Sawir qaade: Maxamed A. Bashir - byimaging@me.com
Saawiradii la soco goor dhow.....
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.net
Dhabadii lasoo marey ninkaan raadkii dib u dheehan oon
dhaar ku marin meeriskii shiman inuu buuxsho dharag waa ka xaaraan
dhallaankiisu mahadshaa. Abwaan Xasan Sh. Mumin
13432093
© RSTV 2004-2009. All Rights Reserved |
|