Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Friday March 26, 2010

R/wasaaraha Soomaaliya dalka dib ugu soo laabtey dalka ka dib socdaalo dalalka...

R/wasaaraha Soomaaliya Md. Cumar  C/rashiid  ayaa maanta galinkii dambe waxaa uu kasoo dagey garoonka diyaaradaha caalimiga ah ee magaalada Muqdisho. Wasiirka koowaad ee Soomaaliya ayaa waxaa wafdigiisa ka mid ahaa xubno ka tirsan golayaasha dowladda KMG ah ee Soomaaliya kuwaasi oo muddooyinkan howlo shaqo u joogey magaalooyinka Addis Ababa iyo Nairobi oo ay waftiga R/wasaaruhu safarro ku kala bixyeen.

R/wasaaraha ayaa sida dad badani ay ogaayeen waxaa uu magaalada Addis Ababa kaga qeyb galey xafladdii lagu sixiixayey heshiis ay dowladda Soomaaliya la gaartey ururka Ahlu Sunnah wal jameeca kaasi oo lahgu gaarey is faham buuxa oo ku saabsan sidii urur diimeedka ASWJ ay uga qeyb qaadan lahaayeen geeddi socodka nabadda ee dalka Soomaaliya.

Sidoo kale R/wasaaruhu waxaa uu socdaalkii uu ku tagey magaalada nayroobi ee dalka Kenya uu kulamo kula yeeshey ururada caalamiga ah ee ka hawlgala dalka Soomaaliya iyo waliba safaarada dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya waxaana ay dhamaan dadkii ay is arkeen isku afgarteen sidii loo balaarin lahaa kaalmada la siiyo dowladda Soomaaliya oo iyadu ku dadaalaysa sidii ay u hanan lahayd dhamaan gobolada dalka lana gaarsiiyo nabad buuxda.

Waftiga waxaa garoonka diyaradaha Aadna Cadde ku soo dhaweeyey madax ka tirsan labada Gole ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya waxaana waftiga loo soo gudbiyey xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia. 

 

 

 

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.net

 

Dhabadii lasoo marey ninkaan raadkii dib u dheehan oon dhaar ku marin meeriskii shiman  inuu buuxsho dharag waa ka xaaraan dhallaankiisu mahadshaa. Abwaan Xasan Sh. Mumin

 

13432093

© RSTV 2004-2009. All Rights Reserved