Tuesday March 30, 2010
Madaxweynaha
Soomaaliya oo socdaal ku tagey magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya
Madaxweynaha Soomaalia Shariif Shekh Axmed ayaa waxaa uu
socdaal shaqo ku joogaa magaalada Addis Ababa, ee waddanka Itoobiya,
halkaasi oo uu wada hadallo kula yeelan doonaan madaxda dalkaasi.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa ay kasoo kicitimeen magaalada
Nayroobi ee dalka Kenya oiyagoo markii horena socdaal kaga soo laabtey dalka
Liibiya oo uu shirka Carabta kaga qeybgaley.
Madaxweyne Shariif ayaa la sheegay inuu isla markiiba uu
la kulmey r/wasaaraha Itoobiya Zenawi oo ay ka wada hadleen arrimihii ugu
dambeeyey ee ka jirey geeska Afrika.
labada masuul waxay isla soo qaadeen xaaladda Nabadgelyo
ee dalka Soomaaliya iyo wixii horumar laga gaarey sidookalena Madaxweyanah
aiyo waftigiisu waxaa isla soo qaadeen madaxda Itoobiya heshiiskii dhawaan
ay kala sixiixdeen dowladda Soomaaliya iyo ururka Ahlu sunnah ee ka dhacey
magaalda Addis Ababa.
Wafitiga Madaxweynaha ayaa inta ay joogaan Addis Ababa
waxaa kulamo ay la yeelan doonaan madax ka tirsan ururka Midowga Afrika ee
oo iyagu haatan ku sugan halkaasi.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.net
Dhabadii lasoo marey ninkaan raadkii dib u dheehan oon
dhaar ku marin meeriskii shiman inuu buuxsho dharag waa ka xaaraan
dhallaankiisu mahadshaa. Abwaan Xasan Sh. Mumin
13432093
© RSTV 2004-2009. All Rights Reserved |