Monday March 08, 2010
Madaxweynaha Soomaaliya
Shariif Sh. Axmed oo la kulmey R/wasaaraha Ingriiska.
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa
uu booqasho ku joogaa magaalada London ee waddanka Ingriiska waxaana uu
halkaasi kula kulmey R/wasaaraha Dalkaasi Gordon Brown.
Madaxweyne Shariif ayaa marti qaad ka heley mudane Brown
taasi oo fursad u siinaysa Madaxweynaha Soomaaliya inuu u gudbiyo dalka
Britain baahida hortaala dowladda Soomaaliya ee ku saabsan sidii dalka
Soomaaliya looga dhalin lahaa nabad waarta. Madaxweynaha ayaa la sheegey
inuu dalka Ingriiska uga warbixiyey dhibaatooyinka amaanka ee haysta
Dowladdiisa curdanka ah waxaana uu ka rajeynayaa in dalka ingiriisku gacan
ka siiyo sidii wax looga qaban lahaa dib u dhiska dalka Soomaaliya.
Dad ku dhow waftiga Madaxweynaha ayaa laga soo xigtey in
madaxda Dowladda Britain ay aad u danaynayaan inay gacan qabtaan dowladda
Soomaaliya. sidoo kale ilo wareedyo ayaa tibaaxay in R/wasaare Brown uu la
dhacsan yahay in dalkiisu ka caawiyo Soomaaliya dhinaca la dagaalanka
kooxaha mucaaradka ee dagaalka kala horjeeda dowladda tabarta daran ee
Soomaaliya.
Waa markii ugu horeeysa ee Madaxweyne Soomaaliyeed
uu hor fariisto R.wasaaraha dalka Ingiriska muddo ka badan 20 sano. waxaana
tan ka horeysay markii uu madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad
NBarre uu magaalda London kula kulmey r/wasaarihii hopre ee Britain Margaret
Thatcher sanadihii sideeyameeyadii.

Photo by AP
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.net
Dhabadii lasoo marey ninkaan raadkii dib u dheehan oon
dhaar ku marin meeriskii shiman inuu buuxsho dharag waa ka xaaraan
dhallaankiisu mahadshaa. Abwaan Xasan Sh. Mumin
13432093
© RSTV 2004-2009. All Rights Reserved |