Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Tuesday July 20, 2010

Xildhiban Ghedi oo La Kulmay Jaaliyada Reer Minnesota.

Rochester, MN: Kulan aad u balaaran oo si heer sare ah loo soo agaasimay, ayna isku soo dubarideen Jaaliyada Soomaaliyeed ee reer Minnesota ayaa lagu Soo dhaweeyay Xildhibaan Maxamud Gheedi Aw-Hilowle oo ku soo laabtay Magaaladii u daganaa ee Rochester kulankaas ayaa ka dhacay Hotelka Double Tree ee isla magaalada Rochester.

Kulankan oo ahaa Casho Sharaf iyo is xog-wareeysi ay isku waydaarsanayeen Xildhibaanka iyo Jaalaiyadiisa Reer Minnesota waxaana ka soo qeyb galeen Dadweyne aad u badan oo isugu jira dhamaan qeybha kala duwan ee bulshada sida Aqoonyahanada, Culumaa’udiinka, indheergaradka, Haween aad u badan iyo Aradayda Dugsiyada Sare iyo jaamacadaha Gobalka Minnesota.

Goobta casho sharafta oo ay ka hadleen mudanayaal badan oo bulshada magac ku leh ayaa waxa ka mid ahaa Macalin Ciise iyo Xaaji Ali Bin Ali iyagoo labadooduba halkaa Quraanka Kariimka ah iyo ducooyin ka soo jeediyay.

Waxaa halkaa ereyo soo dhaweyn iyo wadanimo u muujiyay Prof. Nuur Ali Gacal kuna amaanay Xildhibaan Ghedi inuu muujiyay geesinimo isagoo ku nool wadankan Maraykanka ka tagay una baqoolay wadankiisa Hooyo si uu uga qayb qaato nabad ku soo celinta dalkiisa hooyo ayuu Prof. Nuur ku soo gabagabeeyay.

Waxaa halkaa ka hadlay Mudane Dahir Mire Jabriil oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka Soomaaliya xilkii ugu danbeeyana ahaa Agaasimaha madaxtooyada Dowladii M/weyne Abdullahi Yusuf hadana ah Macalin wax ka dhiga Dugsiyada sare ee dalkan Maraykanka aadn u yaqaana Xildhibaan Gheedi arima badan iskala soo qabtay Soomaaliya. Waxuuna xildhibaanka ku amaanay shaqada u qaranka u hayo. Waxuuna cadeeyay “xildhibaan ghedi inuu yahay nin daacad u ah xilkiisa, uguna duceeyey in ilaah shaqada uu fududeeyo”.

Sidoo kale waxa hadalo kooban goobta ka jeediyey Marwo Hawa Mohamed Abdinuur ah Madaxa Hay’ada daryeelka dadka waaweeyn ee Afiya, oo iyadu aqoon dheer u leh  Xildhibaanka. Hawa waxay dib hadalkeeda ugu jaleecday Taariikhdii dalka soomaaliya burburkii ka hor,iyadoo eeda dhibka jira dusha uga tuuray Soomaalida maanta oo aan fahansaneen qiimaha Dowladnimo. Hawa Abdinur oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri “Aqoon la’anta iyo Garasho la’aanta Dowladnimo waxay keentay in ay raagto Xal u helida Soomaaliya taasna ay sabab u yihiin raga soomaaliyeed oo aan meel wax iskula wadin laakin ay hada jirto rajo wanaagsan oo soo iftiintay”.

Sidoo kale waxa qudbad xiisa leh halkaa ka jeediyay Mudane Maxamed Abdi Qaac oo isagu xoog uga hadlay Muhiimada ay Dumarka Soomaalidu  bulshada uga Jiraan, kuna dhiiriyey in ay Hogaanka Siyaasada la wareegaan. Mudane Mohamed  ayaa hadalkiisii ku soo kobay “ Markii Ragii Isdilay waxa soo baxay Xaqii Dumarka” Sidaa daraadeed waxa lagaaray Xiligii ay Raga Soomaaliyeed Fursada Hogaanka wadanka  ku wareejin lahaayeen Haweenka Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo halkaa Shirib dardaaran ah halkaa ka tiriyay qaar ka mid ah Barbaarta Gaashaman ee ku sugan Gobolka Minnesota Abwaan Ahmed Ali Hassan iyo Carabow waxuuna yiri ‘Qabiil Qayaanadiisa iyo Qilaaf lagu Qaboobi maa” Qaran Hadii la Qaatana Qeymo La yeelahaa Qurxoon” iyo Quraankoo Qalad Loo Fahmaa Qurux Loogu Qaboobi Maa”

Gababadii Casho sharafta waxaa masraxa lagu Soo dhaweeyey Xildhiban Mohamud Ghedi Aw-Hilowle oo qudbadiisa ku bilaabay mahad celin u soo jeediyay Jaaliyadii qaban qaabisay iyo ka soo qeyb galayaashiiba,sido kale waxuu u gudbiyay ka soo qabygalayaasha salaan uu uga sido M/weynaha Dalka Soomaaliya Xafidulaahi Sheik Shariif Sh. Ahmed iyo R/Wasaarhiisa Cumar Abdirashid Ali Sharma’arke iyo Gudoomiyaha Barlamanka Shariif Hassan Sheik Adan Salaan ka dib waxuu xildhibanka

Tacsi u dirtay dhamaan intii ku nafweyday Qaraxii ka dhacay Dalka aan walaalaha nahay ee Uganda. Qaraxaas oo ay soo abaabuleen kuwa diidan nabada Soomaaliya. Waxuuna cadeeyay inay iska hilmaaman hadalada beenta ah ee Ethiopia ayaa dalka la keenay ciidamada imanayana aysan ku jirin wadamada safka hore.

Xildhibaan Ghedi waxu warbixin kooban ka bixiyay safarkiisa shaqo ee ku tagay dalkiisa Hooyo. Waxuu kaloo xildhibaanka halkaa ka cadeeyay inuu la kulmay intuusan bixin Congresska South Eastern Minnesota Tim Walz hada markuu soo naqdayna uu  ka haley Casuumad rasmi ah Tim Walz waxuuna sheegay inuu tegi doono xafiiskisa dhawaan.

Xildhibaanka waxuu halkaa ka cadeeyay inuu la kulmi doono cid walbo oo danaynaysa arimaha walacsan ee ka jira dalkii hooyo gaar ahaan Dowlada Mareeykanka.  sidoo kalena inuu booqan doono xafiiska labada Senator ee Golalaha Baarlamaanka ugu jira Gobolka Minnesota ee dalkan Mareeykanka .

Xildhibaanka oo faahfaahin ka bixiyay kulamadisii intuu gudaha soomaaliya ku jiray ayuu wuxuu si hufan uga Sheekeeyay dhamaan xaalada guud ee Soomaaliya, waxuuna yiri, waan ku guulaysanay inaanu si qayaxan mowqifka dowlada uu cad yahay kaa soo ah in dalka dhamaan ay gacanta ku dhigto xukuumada. Sidoo kale waxa lanaga codsaday inaanu laba jibaarno shaqada xukumada soomaaliya ayuu yiri Xildhibaan Ghedi. Waxa sidaas oo kale uu dulmary su’alihii iyo codsiyadii ay hordhigeen masuuliyiintii ka soo qayb gashay xafladaas waxuuna yiri xildhibaanka in Fiiro gaara iyo taageero buuxda la siiyo madaxweynaha, Golaha Baarlamaanka, iyo xukuumada Soomaaliyeed maadama ay sedexdaas xubnood yihiin saldhiga ay soomaaliya ku gaari karto Dowladnimo. Waxuuna ka dhaadhiciyay Masuuliyiintii ka soo qayb gashay shirkaas “In dhibka Soomaaliya uu noqon doono Dhibkooda hadii aanay hada Hagarla’aan wax uga qaban doowalda hada jirta” ayuu yiri Xildhibaan Ghedi. Sidoo kale Ghedi oo ay qudbadiisu meelo badan taabanaysay ayaa carabka aad ugu adkeeyay sida ay halganka ugu jiraan Haweenka Soomaaliyeed taas oo aan la ilaawi Karin qaarkoodna iyagoo xil haye ah naftooda ku wayeen.. 

 Gababagabadii waxuu xildhibaanka Soomaalida reer Minnesota aad ugu amaanay hawlaha ay u hayaan bulshada ku dhaqan Gobolkan Minnesota waxuuna ku guubaabiyay inay wax u qabtaan Dalkooda lama ilaawanka ah, Midnimo inay muujiyaan. Waxuuna  ku amaanay reer Minnesota sida ay uga muuqdaan bulshada ay la nool yihiin isagoo markhaati ka ah sida siyaasiinta ay la kulmeen ugu dhago nugul yihiin in wax loo qabto soomaaliya. Balse waxuu aad uga codsaday inay laba laabaan waxqabad kooda, waxna u qabtaan dadka ka barakacay gudaha Muqdisho Qaxootina ku ah daafaha magaalada Muqdisho iyo kuwa ku sugan wadamada aan dariska nahay.

Waxaana lagu soo gunaanaday xafladaas duco dheer oo dhamaan dadkii halkaas ka soo qeyb galeen ay lawada qashuuceen.

Waxaana xiriirinayay Xafladaas Muqtaar ahmed maxamud “Katiitow” iyo Abdifitax Mohamed Abdinur.

 

W/D: Wariye Muqtaar Ahmed Mohamud “Katiitow”







 

 

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.net

 

Dhabadii lasoo marey ninkaan raadkii dib u dheehan oon dhaar ku marin meeriskii shiman  inuu buuxsho dharag waa ka xaaraan dhallaankiisu mahadshaa. Abwaan Xasan Sh. Mumin

 

13432093

© RSTV 2004-2009. All Rights Reserved