Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Monday July 05, 2010

Wasiiro  ka tirsan Midowga Yurub ayaa booqan doona Marinka Qaza ee reer Falastiin.

Dhowr Wasiir Dibadeed oo ka mid ah dalalka ugu waaweyn wadamada ku midoobey Yurub ayaa waxaa ay booqasho ku mari doonaan Marinka Qasa.

Warka oo uu markii ugu horreysay ku dhawaaqey R/wasaaraha Spain Luis Sabatero ayaa waxaa lagu sheegay in Wasiiradani ay indha inmdhayn doonaan nolosha dadka ku nool Marinka Qasa oo ay maamulaan ururka Reer galkbeedku u aqoonsan yihiin inuu yahay argagixiso ee Hamas.

Wasiiradan ayaa la sheegay inay ka mid yihiin wasiirada Dibadda ee Talyaaniga Faransiiska iyo  Spain waxaana waftigaas hogaamin doona wasiirka arrimaha Dibadda Dalka Talyaaniga Franco Frattini oo isagu mar horeba doonayay inuu booqdo Qasa.

Markii R/wasaaraha Spain uu ku dhawaaqayey booqashada Wasiirada waxaa uu ka sheegay arrintaas shir Jaraa'id oo uu garbkiisa fadhiyey Madaxweynaha Suuriya Bashar Al Asad, oo isagu booqanaya dalka Spain.

Wasiirada ayaa la filayaa inay halkaasi booqdaan todobaadka soo socda, waxaana la sheegay inay u kuur galayaan waxyaabaha iska badalay fududeyntii ay Israa'iil fududeysay xayiraaddii saarnayd marinka Qasa taasi oo Israa'il ay sheegtay inay fasaxeysao wax yaabaha daruuriga u ah dadka halkaasi ku nool.

 

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.net

 

Dhabadii lasoo marey ninkaan raadkii dib u dheehan oon dhaar ku marin meeriskii shiman  inuu buuxsho dharag waa ka xaaraan dhallaankiisu mahadshaa. Abwaan Xasan Sh. Mumin

 

13432093

© RSTV 2004-2009. All Rights Reserved