Saturday July 31, 2010
Mudane
Siilaanyo Waa il duufaye ha loo dulqaato

Madaxweyne dadku waxay kaa sugaayen dawlada kooban, tiro
yar, tayo leh dadkuna ku diirsado lakiin waxa xukuumadad ka dhex muuqata
ilduuf baahsan
oo beelaysan, dad badan ba u arki doona arintaas mid aan madaxweynaha ku
weerarayo lakiin waxan leeyahay Madaxweynhu wuu ilduufe bal aynu wakhti
siino wixii dhacayna dhace ee bal dalka uun horumarkiisa halaga fakaro
Hadan inyar ku noqdo ilduufka madaxweynuhu galay Mudan madaxweyne waxad
Bulshada ka xushay 15 xubnood oo ah labeenti dalka waxad waydiisay talo
waxay ku siyeen talo qof lasiiyo tii ugu fiicnayada wax u riyaaqay bulshadii
oo dhan waxa lagu fafiya saxaafada waxa la sheegay inaad aqbashay kaamad
hadlin bulshada oo dhan waxay kaa sugaysa dawlada kooban oo tiro yar
lakiin tii may dhicin, hadii aad magacabi lahay 15
wasiir oo maanta buuq dhaco waxa la odhan laha dawlada kooban ee sida ku
aamusa lakiin waxaad baal martay taladii Labeenta Somaliland ku siisay waxad
jeebka kala soo baxxaday talo aad hore u gaadhay (tolow maxaad odayaasha
wakhtiga aad uga qaaday) lakiin aad la soo baxdidibee dawladii waad badisay
oo 26 Wasiir iyo Wasiir ku xigeen baad dhistay inkasto aaanan dafiri karin
inay yihiin wajiyo cusub oo badan iyo rag aaqoon yahan ah oo badna ku jiran
hadan waxa kale oo aan iska indho tiri karin inaad wasaarada badan u
dhiibtay dad aan u qalmin isla markaan tayo ahaan ka hooseya,
wax kale oo dawladu la kowsatay mucaradad ka timi beelo
badan oo u arkay in dawladad balaadhan dhan laga raray oo aan beelaha si
siman looga qaybin ama loo badiyay beelo aay Madaweynah siyasada wadaag
keeyihiin iyo beesha uu ka soo jeedo oo qaatay sad libaax oo aan la filayn
waxa kale oo jirta in rag badan oo Aqoon u saxiib aha kan fiican in badan oo
ki jirta dawaldad oo Sixbigaga aha ad ka tagatay hadadb madaweyne waad il
duuftay ee bal tani dhacdaye ilduufka danbe naga ilaali reer kagan ha isku
xeerine noqo madaweyne qaran ileen durba waadigan Madaxtoyadii u dhibaye.
Beelaha Kacsana waxan leeyahay bal dajiya kubada oo dhacdaye raalina ahaad
beeshina tayo lagama waayin oo PhD waad haystaan, ee xisaabaha dawlada lagu
dhisay baa ka duwana kuwii hore oo waxa dawaldan cusub lagu dhisay xisaab
ama formula cusub oo la dhaho (Vote/beel)+(Fund/Xisbi)+(Qaraabo/Kiil) =
Wasiir Markaa beelaha cabanaya waxay buuxin wayeen ama ku qadeen formuladan
cusub oo beelaha qaar sadbursi siisay qaarna sad quudhsi siisay lakiin waad
fahmid doontan ee la qabsaday ciyaarta oo dalku waa Dimuqraadiya waxa banan
kuraas badan oo dhanka mucaaridka ka banaane kuwaa soo buuxiya balanteenuna
waa Shan Sano kadib
Saed . M (Wayeel)
Somaliland
siciidsl@live.com
Source:Togdheernews
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.net
Dhabadii lasoo marey ninkaan raadkii dib u dheehan oon
dhaar ku marin meeriskii shiman inuu buuxsho dharag waa ka xaaraan
dhallaankiisu mahadshaa. Abwaan Xasan Sh. Mumin
13432093
© RSTV 2004-2009. All Rights Reserved |