Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Monday July 05, 2010

IGAD oo ciidamo dheeri ah ugu Yaboohday Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Shir ay magaalada Addis Ababa ku yeesheen dalalka ku midoobey Ururka IGAD ayaa waxaa ay sheegeen in Soomaaliya loo diro Ciidan tiradooda lagu sheegay 2000 oo askari.

Shirkan ayaa waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay khatar ku sugan tahay sidaasi darteedna ay dalalka IGAD khasab ku thaay inay talaabo deg deg ah qaataan si loo badbaadiyo dowladda tabarta yar ee Soomaaliya.

IGAD ayaa waxaa ay shirkooda ku sheegeen in ay ka codsanayaan Qaramada Midoobey in loo fasaxo dalalka Dariska ah ianay ciidamo u diraan Soomaaliya si ay u sugaan nabadda dalka iyo soo celinta awoodda Dowladda Soomaaliya ee haatan la ciirciireysa inay hawlaheeda qabsato ama ay dhaqan galiso hawl maalmeedkeeda caadiga.

Shirka IGAD ayaa la sheegey inuu ahaa mid aqan caadi ahayn oo si dhaqso ah u qabsoomey waxaana adadka siyaasadda indha indheeya ay ku tilmaameen mid la doonayo in adduunka lagu soo jeediyo arrimaha Soomaaliya oo maalinba maalinta ka dambeysa ay nabadeedu sii fogaanayso.

 

 

 

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.net

 

Dhabadii lasoo marey ninkaan raadkii dib u dheehan oon dhaar ku marin meeriskii shiman  inuu buuxsho dharag waa ka xaaraan dhallaankiisu mahadshaa. Abwaan Xasan Sh. Mumin

 

13432093

© RSTV 2004-2009. All Rights Reserved