Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Monday February 01, 2010

Wasiiruhu arrimaha gudaha Cabdirashid Maxamed Hidig oo ka qeybgaley xaflad ka dhacdey Minnesota.

Wassiiru dowlaha Arrimaha gudaha ee Soomaaliya Md. Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa waxaa uu ka qeyb galay xaflad si heer sare ah loo agaasimey oo ka dhacdey magaalda Rochester ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Xalfadaasi oo lagu xusayey sanadguuradii 1aad ee kasoo wareegatey dhismihii dowladda KMG ah ee lagu soo dhisey magaalada Jabuuti, shirkaasi waxaa kazoo qeyb galey msauuliyiin kale oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo uu ka mid yahay Xildhibaan Maxmuud Geeddi Hilowle sidoo kale waxaa halkaasi ka soo qetb galey dadweyne aad u fara badan oo isugu jirey qeybaha ay ka kooban tahay jaaliyadda Soomaaliyeed eek u nool magaalada Rochester iyo magaalooyinka ku hareereysan ee ka mid ah goobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Wasiiru dowlaha arrrimaha gudaha Md C/rashiid Maxamed Xidig oo halkaasi ka Hadley ayaa dadka waxaa uu uga warramay waxyaabaha u qabsoomey Dowladda Soomaaliya iyo intii ay jirtey dhibaatooyinkii ka hor yimid, waxaa uu si weyn u faahfaahiyey waxyaabaha hortaagan inay dowladdu ku talaabsato horumar iyo dib u heshiisiin waxaana uu dheegey in dowlada markii ay ku soo laabatey dalka ay markii la kulantey kooxo ka horjeeda dhibaato ku noqday nabadda dalka Soomaaliya.

Md. Xidig ayaa waxaa uu sheegey in dadka dagaalada ka wada Soomaaliya aysan wadin wax dan u ah dadka Soomaaliyeed ee mudada dheer kusoo jirey dagaalada iyo abaaraha waxaa kale in dadka dibadda nool ay doonayaan inay arkaan dalkoodii nabad ah oo ay dib ugu laabtaan isla markaasina ay ka shaqeystaan.

Waxaa kale oo halkaasi hadalo qiimo badan ka jeediyey Xildhibaan Maxamuud Geeddi Hilowle oo isaguna dadka uga warbixiyey wax yaabaha dowladda ka hortaagan inay howlaheeda qabsato waxaana uusheegey in dowladdu ay u baahan tahay nabad gelyo iyo deganaansho si ay uga mira dhaliso wax yaabihii loo sameeyey oo ay ugu horeyso nabadeynta dalka iyo dib u dhiska dalka mudada burbursanaa.
Xildh. Geeddi ayaa sidoo kale cadeeyey in dowladdu ay dadkeeda uga baahan tahay taagero muuqata iyo in la is garab taago si ay uga guuleysato kuwa nabadda hortaagan

Guud ahaan xafladdaasi waxaa ay dhacdey sidiiloogu talagaley.
Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya ayaa la filayaa maalmaha soo socda inuu socdaal ku tago gobolo ka mid ah dalka Mareykanaka kuwaasi oo kala ah Gobolka Ohio magaalada Columbus iyo gobolka Missouri magaaldiisa Kansas City.


 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.net

 

Dhabadii lasoo marey ninkaan raadkii dib u dheehan oon dhaar ku marin meeriskii shiman  inuu buuxsho dharag waa ka xaaraan dhallaankiisu mahadshaa. Abwaan Xasan Sh. Mumin

 

13432093

© RSTV 2004-2009. All Rights Reserved