Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Wednesday February 17, 2010

Raila Odinga:Dowaladda Wadaagga ah ee Kenya Khatar kuma jirto wakhtigan.

Ra'iisal wasaaraha dalka Kenya Raila Odinga ayaa sheegey inay dowladda Kenya sii shaqeyn doonto oo aanay haatan jirin khatar looga baqo inay burburto.

Odinga oo arrintaasi ka hadlayey isagoo ku sugan magaalada Tokyo ee dalka Japan waxaa uu sheegey inay jiraan mararka qaarkood isfaham la'aan iyo is qabqabsi hase ahaatee aysan maxcneheedu ahayn dalku galayo nidaam burbur u keenaya.

maalmo ka hor ayaa Raila Odinga waxaa uu si ku merel gaar ah waxaa uu shaqada uga joojiyey laba wasiir oo ka tirsan wasiirada Kenya labadaasi oo wasiir oo kala ah William Ruto iyo Sam Ongeri, waxaase arrintasai ay ka careysiisey Madaxweynaha dalkasai Kenya Mwai Kibaki isagoo madaxweynuhu sheegey in Odinga aanu shaqada ka qaadi karin wasiiradaasi.

Dadka Reer Kenya iyo waliba beesha caalamka ayaa waxaa ay dareemeen cabsi ku saabsan in khal khal uu ku yimaado dowladda ku dhisan nidaam awood qeybsi ay oo ay ka soo shaqeeyeen dad adduunka magac ku leh ooo uu ka mid yahay kofi Annan oo horey u ahaan jirey xoghayihii guud ee umadaha midoobey.

sanadkii 2007 dhamaadkeedii doorashadii ka dhacdey dalka Kenya ayaa waxaa ay horseedday dhibaatooyin iyo dagaalo dhexmarey qowmiyadaha dalka Kenya kuwasai oo meelo badan ku dagaalamey ayna ku dhinteen dagaaladaasi tiro dad ah.

President Kibaki and Prime Minister Raila Odinga signed a peace deal on February 29, 2008. Looking is is Former UN Secretary Gerneral Kofi Annan, former Tanazania President Benjamin Mkapa, Attorney General Amos Wako and Lands minister James Orengo. Photo/FILE
Sawirkani waa markii la sixiixey heshiiskii ay galeen labada xisbi ee kala ah ODM iyo PNU bishii Febraayo 28, 2008.

 

 

 

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.net

 

Dhabadii lasoo marey ninkaan raadkii dib u dheehan oon dhaar ku marin meeriskii shiman  inuu buuxsho dharag waa ka xaaraan dhallaankiisu mahadshaa. Abwaan Xasan Sh. Mumin

 

13432093

© RSTV 2004-2009. All Rights Reserved