Monday February 22, 2010
Sheekh Indha Cadde ma
qarixii ayaa wax u dhimay mise dowladda ayuusan ka mid ahayn.
Wasiiru dowlaha gaashaandhigga ee dowladda KMG ah ayaa
hadal wareysui ah oo uu siiyey
idaacadda shabelle ee ku taalla magaalada Muqdisho waxaa uu ku sheegey
in dowladda ay tahay dowlad dib u heshiisiineed oo aaney dagaal kala
hortageynin kooxaha ka horjeeda ee doonaya iany ridaan.
Wasiirka aayaa laga soo xigtey in uu yir waxaan doonaynaa
inaan xallino khilaafka u dhexeeya kooxaha dowladda ku kacsan ee Alshabaab
iyo Xisbul islaam oo uu sheegey inay in loo baahan yahay in khilaaafkooda
meesha laga saaro.
Haddaba hadalka wasiirku ma yahay mid ka turjumaya
siyaasadda dowladda uu ka midka yahay ee har iyo habeen dagaalka ay kula
jiraan Alshabaab iyo Xisbul islaam. suurta gal ma tahay in dad adiga dagaal
kaala horjeeda inaad tiraahdo war kaalaya aan idinka dhexdiina idin wada
hadalshiiyee ?
Hadal iyo dhamaan waxaa in loo fiirsado u baahan sida uu
wasiirku uga hadley arrinta khilaafka ee labada urur ee dowladdiisa ka
gorjeeda waa haddii ay run noqoto warka ay ka faafisay Radio shabelle.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.net
Dhabadii lasoo marey ninkaan raadkii dib u dheehan oon
dhaar ku marin meeriskii shiman inuu buuxsho dharag waa ka xaaraan
dhallaankiisu mahadshaa. Abwaan Xasan Sh. Mumin
13432093
© RSTV 2004-2009. All Rights Reserved |