Tuesday February 23, 2010
Ururka Ahlu Sunnah oo
heshiis buuxa la galey dowladda Federaalka ee Soo maaliya.
Ururka diineedka quryar socodka ah ee lagu magacaabo Ahlu
Sunna waljamaaca ayaa la sheegayaa inuu heshiis la galey dowladda federaalka
ee uu hogaamiyo Shariif Sh Axmed.
Heshiiskaas ayaa waxaa dhexdhexaadinayey dowladda
Itoobiya oo iyadu sida la sheegey taageero hoose u fidisa ururka Ahlu Sunna
waxaana ay Itoobiya in dhawaale doonaysay inay isu soo dhaweyso ururkaas iyo
dowladda federaalka ee KMG ah ee Soomaaliya.
Wararka laga helayo magaalada Addis Ababa ee dalka
Itoobiya ayaa waxaa ay tibaaxayaan in heshiiskaasi lagu dhameystiri doono
gudaha dalka Soomaaliya hase yeeshee waxyaabaha ilaa haatan la isla gartay
ayaa waxay yihiin in ururka Ahlu Sunna awooda dalka wax laga siiyo gaar
ahaan golaha wasiirada si ay uga mid noqdaan maamulka dalka waxaana la
rumeysan yahay in arrintaasi aanay dhib ah u keeni doonin howlaha dowladda
KMG ah.
Dadka siyaasadda Soomaaliya u kuur gala ayaa waxay
sheegayaan in heshiiskaasi uu dhabarka ka jabbin doono ururada xagjirka ah
ee ka jira Soomaaliya kuwaasi oo ku dadaalaya inay afrogaan dowladda ay
aduunyadu aqoonsan tahay ee ka dhisan Soomaaliya.
Ahlu Sunna ayaa waxay dagaallo kharaar kula gashey
Alshabaab muddooyinkii lasoo dhafay gobolada Dhexe ee Soomaaliya kuwaasi oo
la dhihi karo waxaa Alshabaab uga dhaarteeen inay cagaha dhigaan meelo badan
oo ka mid ah goboladaasi.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.net
Dhabadii lasoo marey ninkaan raadkii dib u dheehan oon
dhaar ku marin meeriskii shiman inuu buuxsho dharag waa ka xaaraan
dhallaankiisu mahadshaa. Abwaan Xasan Sh. Mumin
13432093
© RSTV 2004-2009. All Rights Reserved |