Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Sunday February 28, 2010

Axmed Madoobe oo sheegey inay dagaal meel walba ah ay la galayaan Alshabaab.

Kooxda Xisul Islaam ayaa shegtay in ay sii laba jibaari doonaan Dagaalada ay kaga soo horjeedaan maleeshiyada Alshabaab isla markaana ay magaalada Muqdisho ku ugaarsan doonaan Maleeshiyada Shabaab.

Axmed Madoobe oo ka mid ah horjoogayaasha Maleeshiyada Xisbul Islaam ayaa ku hanjabay in Maleeshiyada Shabaab lagu bartilmaameedsan doono Dariiqyada muqdisho waxaa uuna intaa ku daray in dagaalka ay la gelayaan Shabaab aanuu aheyn mid qarsoon,isagoo tilmaamay in sidii waxashnimada aheyd ee dadka ay u qali jireen iyagana loo qali doono goor dhow,

Axmad Madoobe ayaa tibaaxay in dadku aaneey fahamsaneyn sababta keentay dagaalka u dhaxeeya Xisbiga iyo Shabaab,waxa uuna ku celceliyay in dagaalkaasi uu ka dhashay iyagoo diidanaa in Xisbigu maamulkiisa ku balaariyo Gobolada Jubooyinka,isla markaana aaneey sheekadu aheyn sida ay ku andacoodaan oo ah in ay la dagaashanyihiin Axmad Madoobe.

Axmad Madoobe ayaa sheegay in uu ku suganyahay magaalada Af-madoow,xilli uu wareeysi siinayay mid ka mid ah warbaahinta Muqdisho,ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka sheegaya in Dowlada Kenya iyo Ururka ONLF ay teegeero siiyaan,waxa uuna intaa raaciyay in Dowlada Kenya ay deris la tahay Soomaaliya Isla markaana ONLF uu u yaqaano Jabhad ka dagaalanta Gudaha dalka Ethiopia,waxa uuna hadaladaasi ku tilmaamay kuwa ay shabaabku ku doonayaan in ku qaldaan Shacabka Soomaaliya.

Axmad Madooboe ayaa cadeeyay in Dowlada Kenya iyo Ciidamada Amisom aaneey wax dhibaato ah ku qabin marka loo eego falalka foolxumada badan oo ay shabaabku ku hayaan Bulshada waxa uuna wacad ku maray in ay ula dagaalmi doonaan Shabaab sida maataleeysnimada ah oo ay Bulshada u xasuuqaan.

Hadlkan Axma Madoobe ayaa imaanaya Xilli kala shaki iyo Colaado ay ka dhex oganyihiin maleeshiyaadka Xisbiga iyo Shabaab kuwaas oo dagaalo goos goosihi ay ku dhex mareen magaalada Muqdisho Marka laga sootago Gobolada Jubooyinka,

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.net

 

Dhabadii lasoo marey ninkaan raadkii dib u dheehan oon dhaar ku marin meeriskii shiman  inuu buuxsho dharag waa ka xaaraan dhallaankiisu mahadshaa. Abwaan Xasan Sh. Mumin

 

13432093

© RSTV 2004-2009. All Rights Reserved