| |
Friday April 09, 2010
Uruka
Alshabaab oo xayiraad ku soo rogey dhageysiga idaacadda BBC ee Soomaaliya.
Xarakada Alshabaab ayaa goor dhow mamnuucay dhageysiga
Idaacada BBC-da ee Koofurta Soomaaliya, iyagoo maantana gudaha u galay
Xarumo laga tabin jiray FM-ka BBC-da ee magaalooyinka Koofurta.
Sida ay sheegayaan wararka Shabaab ayaa rartay FM-ka BBC-da laga dhageysan
jiray, Magaalooyinka Kismaayo, Marka, Baydhabo, Jowhar iyo deegaanad kale ee
ay ka taliyaan.
War saxaafadeed ka soo baxay Shabaab ayaa lagu sheegay in dhamaan wixii FM
ah ee ay ku laheyd BBC-da laga saarayo laga bilaabo hawada, waxaana lagu
sheegay war saxaafadeedka in lagala wareegay dhamaan FM-da.
Shabaab ayaa ku eedeeyay BBC-da in ay dagaal ka dhan ah Shareecada Islaamka
ay kula jirto Wilaayada Islaamka, waxaana lagu sheegay in ay u adeegeyso
dalalka reer Galbeedka.
War saxaafadeedka ayaa lagu cadeeyay in BBC-da ay barobagaando ay u sameyso
Dowladda KMG ah oo ay ku tilmaantay Dowladda Ridada waa sida lagu sheegay
war saxaafadeedka.
Sidoo kale waxaa lagu wargeliyay Idaacadaha qandaraaska kula jira BBC-da ee
sii daaya, in ay soo afjaraan qandaraaska ay kula jiraan BBC-da, iyadoo
qandaraaska uu yahay mid Idaacadaha ay toos uga qaataan in FM-ka laga
dhageysto.
Go’aankan ayaa la ogeyn waxa xilligan ku soo beegay, hase ahaatee waxaa uu
yahay mid lagu cunaqabateynayo Warbaahinta xorta ah, iyadoo go’aankan uu si
gaar ah u saameyn doono shacabka ku dhaqan Koofurta Soomaaliya oo si fudud u
dhageysan jiray FM-ka BBC-da.
Idaacada BBC-da ayaa FM-keeda waxaa si toos Korontada u siin jirtay
Shirkadaa Isgaarsiinta Telecom Somalia, iyadoo xarumaha ay Gobolada dalka ku
leedahay ay dadka ka dhageysan jireen FM-ka.
Inkastoo Shabaab ay mamnuuceen in BBC-da laga dhageysto FM-ka ayaa hadana
waxaa aanay joojin karin Mowjada SW oo laga dhageysan karo BBC-da, waxaana
taas mararka qaar ay tahay mid raadinteeda ay dadka kala kulmaan dhibaato,
mowjada SW oo ah mid aad u adag helideeda.
C/risaaq C/laahi
Source:Gedoonline
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.net
Dhabadii lasoo marey ninkaan raadkii dib u dheehan oon
dhaar ku marin meeriskii shiman inuu buuxsho dharag waa ka xaaraan
dhallaankiisu mahadshaa. Abwaan Xasan Sh. Mumin
13432093
© RSTV 2004-2010. All Rights Reserved |
|