Monday April 19, 2010
Saado
Cali Warsame oo dadka Soomalida ugu baaqdey inay adkeeyaan midnimadooda.
Fanaanadda Caanka ee Soomaaliyeed Saado Cali Warsame ayaa
waxaa ay maalmahan warbaahinta si aad ah ugaga hadashey arrimo badan oo
muhiim ah, waxaana ka mid ahaa waxyaabaha ay fanaanaddu ka hashay kala
googaynta gobolada Soomaalida oo ay sheegtey inay tahay mid aan loo baahnayn
isla markaana ay Itoobiya ka dambeyso.
Sidoo kale Saado Cali waxay sheegtey in dadka
Soomaaliyeed ay u midoobaan sidii ay dowlad wanaagsan u dhisan lahaayeen
iyadoo walibana shaaca ka qaadey in burburkii ku yimid dowladdii Soomaaliya
ay ahayd nasiib darro waxaana loo baahnaa ayey tiri kaliya in la baddalo
maamulkii markaas jirey oo loo arkayey in wax ka khaldameen.
Fannaanaddu waxaa ay sheegtey in waddaniyaddu ay tahay
mid aan marnaba laga maarmin iyadoo tibaaxdey in dadka qarkiis ay doonayaan
inay magacyo iyo calamo aan la garanaynin ay la yimaadeen Soomaaliya,
waxaana ay sheegtay in arimahaasi aaney dan u ahayn dadka Soomaaliyeed
iyo xoogooda waana wax lagu kala dhantaalayo awooddii Soomaaliyeed.
Fanaanaddu waxay sheegtey in dagaalkii loo galey
xornimadii dalka Soomaaliya la iska iloobey lagana doorbidey in la kala
qoqobo dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ah.
Saado Cali ayaa waxaa lagu xusuustaa heeso ay ka qaaday
Somaaliya xiliyadii ay dowladdii Soomaaliya jirtey gaar ahaan maalmihii ugu
danbeysay ee dowladdii markaasi jirtey, heesahaas ayaa la sheegey inay aad u
kiciyeen dad badan oo dowladda ka horjeeday.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.net
Dhabadii lasoo marey ninkaan raadkii dib u dheehan oon
dhaar ku marin meeriskii shiman inuu buuxsho dharag waa ka xaaraan
dhallaankiisu mahadshaa. Abwaan Xasan Sh. Mumin
13432093
© RSTV 2004-2009. All Rights Reserved |