Monday April 26, 2010
Khilaafkii
baarlamaanka Soomaaliya oo gaarey heerkii ugu sarreeyey.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhex jira khilaaf
ku saabsan hogaanka baarlamaanka KMG ah, khilaafkaas ayaa xubnaha qaarkood
waxay aaminsan yihiin in guddoonka baarlamaanka uu ka dhamaadey wakhtigii
xilka uu hayn lahaa.
Qaar kale oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka ayaa
iyagu waxay aaminsan yihiin in guddoomiyaha uu sii hayn karo xilka mar
haddii muddadii dowladda KMG ah ay wali sii jirto oo ay dalka kasii
shaqeysanayso.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmahan waxaa uu ka
shaqeynayey sidii uu isugu soo dhaweyn lahaa xubnaha is khilaafsan, waxaa uu
madaxweynuhu ka codsadey mudanayaasha baarlamaanka ee doonaya in
guddoomiyuhu xilka isaga dago inay isaga markan arrinta u daayaan oo ay
joojiyaan xilka qaadista guddoonka baarlamaanka waxaana uu madaxweynuhu
sheegey in maanta lagu jiro marxalad adag loona baahan yahay in waxyaabo
badan meel la iska dhigo oo loosoo jeesto hawlaha badan ee hor yaalla dalka.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu yaqaanaa inay
marba keenan mooshin wax lagu burburiyo iyadoo ay jiraan dhibaatooyin ku
wareegsan maamulka dalka iyo iyaga naftooda waxaana ay beesha caalamku u
aragtaa mooshinkan mid sii abuuraya tabar yaraan lasoo darista dowladda iyo
baarlamaanka naftiisa.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.net
Dhabadii lasoo marey ninkaan raadkii dib u dheehan oon
dhaar ku marin meeriskii shiman inuu buuxsho dharag waa ka xaaraan
dhallaankiisu mahadshaa. Abwaan Xasan Sh. Mumin
13432093
© RSTV 2004-2009. All Rights Reserved |