Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Monday April 26, 2010

Ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo war kasoo saarey arrimaha Soomaaliya.

Nairobi, 26 Abriil 2010 – Kulankii 17aad ee Kooxda Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore lagu qabtay xarunta Jaamacadda Dowladaha Carabta ee Qaahira.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Ahmedou Ould-Abdallah, ayaa u riyaaqay ka soo qaybgalka Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Md. Amr Musa, wuxuuna ku tilmaamay ka soo qaybgalkiisa inuu ahaa mid mira dhal ah. Wuxuu kaloo garwaaqsaday dadaalka midaysan ee bulshada caalamka iyo dadka Soomaaliyeed ay ku muujiyeen inay si aad ah u danaynayaan inay wax ka qabtaan xaaladda guud ee Soomaaliya. Hase ahaatee, Ergeyga Gaarka ayaa maanta niyadjab ka muujiyay muranka ka dhex aloosan Barlamaanka.

“Sidaa darteed, waxaan si xanuun leh ula socdaa doodda aan waxtarka lahayn ee arrimaha Barlamaanka ee ka socota Muqdisho. Inkastoo, aniga iyo dadka intooda kaleba aan garwaaqsanahay in wax laga qabto arrinta gunnooyinka xildhibaannada Barlamaanka, waxaan ka xumahay cambaaraynayaana waqtiga iyo awoodda la geliyay dood aan waxtar lahayn, taasoo ay ahayd in loo adeegsado arrimaha muhiimka ah ee hadda jira,” ayuu yiri Ahmedou Ould-Abdallah. “Waxaa wax ka qabasho degdeg ah u baahan baahida dadweynaha Soomaaliyeed, sida arrimaha amniga iyo hirgelinta heshiiskii lala galay Ahlu Sunna Wal Jamaa (ASWJ) iyo heshiiskii lala galay Puntland ee ku saabsanaa wax ka qabashada burcad badeedda.”

“Sidoo kale waxaan hubaa in madaxda Dowladda iyo Barlamaanka ay ka gudbi doonaan khilaafka u dhexeeya ayna xoogga saari doonaan wax ka qabashada hawlaha caadiga ah ee Dowladda kuwaas oo taabanaya dadweynaha, ha ahaadeen kuwa jooga dalka gudihiisa ama dibaddiisaba,” ayuu yiri Md. Ould-Abdallah.
“Sidaa darteed waxaan la kulmayaa safiirka Mexico Claude Heller, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Qaramada Middobay u qaabilsan arrimaha cunaqabataynyta saaran Soomaaliya iyo Eritrea, isaga iyo guddigiisa oo booqanaya gobolka lana kulmaya wakiillo ka socda Soomaaliya iyo Kenya, iyo saraakiil kale oo ka socota gobolka iyo Qaramada Midoobay iyagoo xilkooda gudanaya.

Wafdigu wuxuu tixraacayaa soona hadalqaadi doonaa arrinta ku saabsan la xisaabtan la’aanta muddada dheer dhibaatada ka jirta Soomaaliya sii xumaynaysay. Sidaa darteed waa inay caddaato in cunaqabatayn lagu soo rogo kuwa falalkoodu gacan ka geysanayo xasillooni darrada Soomaaliya.”

“Waqti ma jiro fursadahana waa la lumin doonaa haddii madaxda Soomaaliyeed ay ogolaadaan in khilaafaadka yaryari ay ka leexiyaan inay wax ka qabtaan arrimaha u baahan inay si degdeg ah wax uga qabtan, gaar ahaan hawlgalkooda.”

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.net

 

Dhabadii lasoo marey ninkaan raadkii dib u dheehan oon dhaar ku marin meeriskii shiman  inuu buuxsho dharag waa ka xaaraan dhallaankiisu mahadshaa. Abwaan Xasan Sh. Mumin

 

13432093

© RSTV 2004-2009. All Rights Reserved