Saturday January 16, 2010
Xaalada Nairobi oo
caadi ku soo laabatay,iyo dadkii dibadbaxayey lagu arkay calanka ay
adeegsadaan Urur diimeedka Al-SHABAAB
Hoggaamiyayaasha muslimiinta dalka Kenya ayaa xiligan la jooggo waxay wada
hadalo albaabada laysku xiirday ay la leeyihiin wasiirka amniga qaranka ee
dalka Kenya prof George saitoti oo ay kala xaajoonayaa sababta keentay in
ciidamadda booliiska magaaladda Nairobi ay toogasho ku dilaan afar ka mid ah
dad muslimiin ah oo shalay isku soo baxyo rabshado wata ka oogay afafka
horre ee masaajidka way nee jamia xilli ay isku dayayeen in ay socod ku
taggan wasaarada socdaalka dalka
Hogaamiyayaasha muslimiinta ayaa waxaa horkacayey xildhibaanka la magacaabay
Sheikh Mahamed Dor ahna guddoomiyaha xildhibaanadda muslimiinta ee dawladda
ku jira,waxaanna ku wehelinayey xubno ay ka mid yihiin,xildhibaanka laga soo
doorto dujis Adan ducale,xildhibanada la soo magacaabay Safia abdi
nur,xoghayaha guud ee ururka muslimiinta dalka Adan Wachu iyo saraakiil sar
sare oo ka tirsan muslimiinta dalka kuna jira dawladda wadaaga ah ee dalka
ka dhisan
Saraakiisha muslimiinta ayaa goor dhawayd sheeggay in duhurnimadda maanta
aas-wadareed loo samayn doono afartii dhalinyarada ahayd ee shalay ku
geeriyooday rabshadihii ay ku baaba”een malaayiin shilinka Kenya ah sida ay
sheeggeen ciidamadda amaanka dalka
Ku dhowaad 15 qof ayaa ku dhawacmay markii ay isku
dhaceen ciidamada booliiska magaalada Nairobi iyo dad muslimiin ah oo ku
mudaharaadayay masjidka Jamia
Sarakiisha isbitaalka Qaran ee kenyatta ayaa xaqiinaya dhimashada afartasi
qof iyo dhaawacba waxayna sheegayaan in dhamaantood dadka dhaawaca ah ay
xabad ku dhacday.
Mudaharaadka ayaa ka bilowday wadaad Muslim ah oo u dhashay waddanka Jamaica
oo la yiraahdo Abdalla Al Faysal oo dhawaanahan muran uu ka taagnaa markii
dowladda Kenya oo booqasho uu ku yimid waddankeeda ay iska masaafurisay
dalka Nigeria ay dib uga soo celisay waddankeeda.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.net
Dhabadii lasoo marey ninkaan raadkii dib u dheehan oon
dhaar ku marin meeriskii shiman inuu buuxsho dharag waa ka xaaraan
dhallaankiisu mahadshaa. Abwaan Xasan Sh. Mumin
13432093
© RSTV 2004-2009. All Rights Reserved |