Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Tuesday January 26, 2010

Wasiir u dawlaha arrimaha gudaha ee DFKMG ah oo kulamo la yeeshey Jaaliyadda Soomaalida Minnesota.

Wasiiru dowlaha arrimaha gudaha ee Dowladda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xidig oo  maalmahan socdaal ku joogey dalka Mareykanka ayaa waxaa uu kulamo is daba joog ah la lahaa jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Wasiirka ayaa dadkii uu lakulmey waxaa uu uga waramey waxyaabaha u qabsoomay dowladda KMG ee Soomaaliya, sidoo kale wasiirku waxaa uu dadka uga warramay waxyaabaha hortaagan in dowladdu qabato wax yaabo badan oo loo baahnaa in dowladdu qabato.

Wasiirka ayaa dadkii waxaa uu ka codsadey inay dowladda kala shaqeeyaan sidii dalka loogu soo dabaali lahaa nabadgelyo waarta, waxaana uu sheegey in dowladdu ay mar walba ka rajeynaysey jaaliyaadaha dibadda ianay gacan muuqata ka geystaan dalkkii ay ka yimaadeen ee ay u dhasheen.

Dadkii shirkaasi ka qeyb galey ayaa sidoo kale waxaa ay muujiyeen sida ay uga go'an tahay inay taageeraan dowladda KMG ah iyo sidii dalka Soomaaliya nabad loogu heli lahaa, waxaana ay ballan qaadeen inay kaalintooda ka qaataan dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Mudane Cabdirshiid Xidig waxaa uu sii wadi doonaa kulamada uu la leeyahay dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka, Wasiirku waxaa uu kulamo la yeelan doonaa maalmaha soo socda Madax ka tirsan labada aqal ee dalka Mareykanka.




 

 

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.net

 

Dhabadii lasoo marey ninkaan raadkii dib u dheehan oon dhaar ku marin meeriskii shiman  inuu buuxsho dharag waa ka xaaraan dhallaankiisu mahadshaa. Abwaan Xasan Sh. Mumin

 

13432093

© RSTV 2004-2009. All Rights Reserved