Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Tuesday January 19, 2010

Nin u dhashey dalka Spain oo ka xumadey ka dib markii sawirkiisa loo ekeysiiyey  kan Bin Ladin.

Xubin ka tirsan Xisbi mucaarad ah oo ka jira dadlka Spain ayaa sheegey inuu aad uga caroodey ka dib markii Ciidamada Sirdoonka Mareykanka ay dsawirkiisa u adeegsadeen inay ku qiyaasaan sida uu Osama Bin Laden u ekaan karo waqtigan la joogo.

Ninkaasi u dhashey Dalaka Spain oo  lagu magacaabo Gaspar Llamazares, kana mid ah Baarlamaanka Spain isla markaana hogaamiya xisbiga lagu magacaabo United Left party ayaa waxaa uu sheegey in aanu aqbalaynin raalli galin ay u soo gudbisey dowladda Mareykanaka tasai oo loo soo mariyey safaaradda Mareykanka ee ku taalla Madrid.

Bin Laden Photo

Ninkaasi waxaa uu sheegey in sawirkiisa lagala baxay Internetka isla markaana loo ekeysiiyey Bin Laden iyadoo markaas ka dibna lagu soo daabacey website-ka ay leedahay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Mareykanka.

Ninkaasi u dhashey Spain ayaa laga yaabaa inuu Maxkamad la tiigsado dadkii ka dambeeyey daabacadda Sawirkiisa waxaana uu sheegey inay khatar ku tahay amaankiisa.
 

Dowladda Mareykanka ayaa wadda dadaal la doonayo in ninkaasi lagu qaboojiyo iyadoo la filayo in xaaladda hoos loo dhigo si meel dhexe la isugu yimaaddo.

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.net

 

Dhabadii lasoo marey ninkaan raadkii dib u dheehan oon dhaar ku marin meeriskii shiman  inuu buuxsho dharag waa ka xaaraan dhallaankiisu mahadshaa. Abwaan Xasan Sh. Mumin

 

13432093

© RSTV 2004-2009. All Rights Reserved