Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Thursday January 21, 2010

Kooxda Alshabaab oo si kadis ah ula wareegey magaalda Baladweyne.

wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in magaaladaasi ay si aan la fileynin ula wareegeen ciidamo ay leeyihiin kooxda Alshabaab, kuwaasi oo aan la sheegin sida ay ku soo galeen.

Wararku waxaa ay sheegayaan in labadii ciidan ee hore ugu dagaalamayey ee Xisbul Slaam iyo Ahlu suna waljamaaca ay magaalada iskala baxeen oo ay ku dagaalameen meel duleedka ka ah magaaldaa Baledweyne.

Si aad ah looma hubo inta ay le'eg yihiin ciidanka Alshabaab ee magaalada soo galey hase ahaatee waxaa ay dadku sheegayaan in haatan ay magaaldu gacanta ugu jirto Alshabaab.Waxaa kale oo la sheegayaa in aan la ogayn kooxihii iyagu horey ugu dagaalamayey Baladweyne ee kala ahaa Xisbul islaam iyo Ahlu suna waljamaaca halka ay ku dambeeyeen.

Warar qaar aan la hubin ayaa sheegaya in ciidankii Ahlu sunah waljameeca ay isku uruursanyaa meel aan ka fogeyn Ceelgaal.

Maalmihii ugu dambeyey magaalada Baladweyne ayaa waxaa ay ahayd meel ay ku hardameyyen urur diimeedyo doonayey inay qolo waliba iyadu gacanta sare lahaato si ay u maamulaan gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada B/weyne.

 

 

 

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.net

 

Dhabadii lasoo marey ninkaan raadkii dib u dheehan oon dhaar ku marin meeriskii shiman  inuu buuxsho dharag waa ka xaaraan dhallaankiisu mahadshaa. Abwaan Xasan Sh. Mumin

 

13432093

© RSTV 2004-2009. All Rights Reserved