Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Saturday January 16, 2010

Madaxwayne Sharif oo ka diggay sii socoshada khilaafka ka jira barlamanka somaliya,Kana dhoofay Nairobi maanta

 

Wefdi ballaaran oo uu hoggaaminayey madaxwaynaha dawladda ku meel gaarka ah ee soomaliya Sheikh Shariif Sheikh Ahmed ayaa goor dhawayd ka duulay magaaladda Nairobi isagoo ku sii jeeday magaaladda muqdisho,madaxwaynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Jomo kenyatta international airport ku sii sagootiyey xubno ka tirsan dawladda dalka Kenya,saraakiil ka socotay safaaradda soomaalida ay ku leedahay dalkani Kenya oo uu hoggaaminayey danjiraha dawladda soomaaliya u fadhiya dalkani Mahamed Cali Nuur (Ameriko)

Madaxwaynaha soomaaliya oo booqasho aan horray loo shaacin dhawaan ku yimid magaaladda Nairobi ayaa intii uu jooggay waxuu wada hadalo uu la yeeshay,madaxwaynaha dalka Kenya Mwai Kibaki,safaradaha,Maraykanka,spain,yemen,ingiriiska,iyo waliba talyaniga oo ay iska arkeen wasiirka arrimaha dibadda ee talyaniga oo balan qaadyo u sameeyey dawladda uu hoggaamiyo shariifka

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale halkan kula shiray xubno ka socday ururka midowga afrika,urur goboleedka IGAD iyo waliba qaramadda midoobay saraakiil ka socotay oo fadhigoodu yahay magaaladda Nairobi,waxuuna dhammaan dadkaasi uu kala hadlayey sidii loo taakulayn lahaa dawladda uu isaga madaxda ka yahay oo haatan ay haystaan cadaadis caalami ah oo uga imanayo islaamiyiin doonaya in ay karkaarka weedaariyaan dawladda lagu soo dhisay dalka jabuuti

Madaxwaynaha somaliya ayaa intii uusan ka dhoofin Nairobi waxuu ka diggay in ay sii socdaan khilaafka xoogan ee baryahan ka soo ifbaxay golaha barlamaanka somaliya,isagoo sheeggay in ay keeni karayso fashil ku yimaado dadaaladda ay dawladiisu ku doonayso in ay ku soo celiso sharciga iyo kala dambayntii dalka soomaaliya oo meesha ka baxday muddo haatan laga jooggo 19 sanadood

 

 

Xaaji Mursal Quulle
Nairobi/Kenya

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.net

 

Dhabadii lasoo marey ninkaan raadkii dib u dheehan oon dhaar ku marin meeriskii shiman  inuu buuxsho dharag waa ka xaaraan dhallaankiisu mahadshaa. Abwaan Xasan Sh. Mumin

 

13432093

© RSTV 2004-2009. All Rights Reserved