Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Monday January 18, 2010

Kulamadii maalmahan ee xildhibaanda Barlamaanka KMG ah ee ku sugan Niarobi iyo ergo Xamar ka timid ayaa ku dhow Fashil.

Maalmihii la soo dhaafay Xildhibaanada Baarlamaanka KMG Soomaliya ee ku sugan magaalada Nairobi oo tiradooda lagu qiyaaso inay gaarayso 130 ilaa 150 Xildhibaan ayaa laba jeer isugu yimid kulamo qado ah, kulankii ugu horreeyay wuxuu ka dhacay New Stanley Hotel ee magaalada Nairobi taariikhdu Markey aheyd Jan. 13, 2010.

Kulankaas waxaa hadalo isugu jiray soo dhoweyn iyo war-bixino koo-kooban oo aan nuxur badneyn ka soo jeediyay Xildhibaano sheegtay in laga soo diray Xamar, uuna soo diray Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed, ergadaan sheegatay in laga soo diray Xamar, waxay ka codsadeen Xildhibaanada ku sugan Nairobi in meesha laga saaro wixii khilaafa iyo mad-madow ah ee la kala tabanayo. Intaas ka dib.

Waxaa kulankaas khudbado qiimo badan ka soo jeediyay Xildhibaano u hadlay Xildhibaanada ku sugan Nairobi Kenya, waxaana ka mid ahay Xildhibaanadii halkaas khudbadaha lagu diirsaday ka soo jeediyay Ra'iisul Wasaarihii hore ee dowladdii TFG Prof. Ali Mohamed Ghedi, Ra'iisul Wasaarihii Dowladdii Arte Hassan Abshir Farah, Xildhibaan Mawliid Macaani Mohamoud, Xildhibaan A/rahman Indhabuur, Xildhibaanad Ikran iyo qaar kale oo badan, waxayna dhammaantood isku raaceen in uu xalku ku jiro in la badbaadiyo Dowlada hadda jirta, waajibna ay tahay in Dowlada si daacad ah loola shaqeeyo inta ka harsan waqtigii loo doortay.

Kulankii labaad wuxuu ka dhacay Hotel Penari ee magaalada Nairobi, taarikhdu markey aheyd Jan. 15, 2010. Waxaana kulankaas ka soo qeyb-galey Madaxweyne Sheekh Shariif, laakin nasib darro waxaan kulankaas labaad aan tegin Xildhibaano badan oo ku sugney Nairobi, iyagoo ka eed-sheeganaayay guddiga sheegtay in Xamar laga soo diray iyo ganacsatada gogosha-dhigtay oo uu hormuud u ahay ganacsade da' yar oo ah Sarifle Nairobi caan ka ah kuna heyb ah Madaxweyne Sharif.

Dhinaca kale, sida uu noo sheegay Xildhibaan ka qeyb galey kulanka Hotel Penari, wuxuu yiri " meeshaas wanag kama dhicin ee waxay aheyd meel ceebeed, waayoo markii la qadeeyay Madaxweynaha ayaa khudbad gaaban ka jeediyay kulankaas, asagoo sheegay in la bixin doono hal bil Mushaarkeed, Xildhibaan kastana laga doonaayo in uu iska xaadiriyo Xamar, sidaas ayuuna kulankii ku xirmey, taas oo ka careysisey Xildhibaano badan oo rabey inay halkaas fikirkooda ka jeediyaan, balse aan fursad loosin.

Haddaba su'aasha taagan waxay tahay, maxay sameyn doonaan Xildhibaanada ku sugan Nairobi oo tiradooda lagu qiyaaso 130- 150 Xildhibaan oo u badan rug caddaayaal siyaasiyiineed.

Munasir@hotmail.com
Six Eighty, Nairobi, Kenya.
 

 

 

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.net

 

Dhabadii lasoo marey ninkaan raadkii dib u dheehan oon dhaar ku marin meeriskii shiman  inuu buuxsho dharag waa ka xaaraan dhallaankiisu mahadshaa. Abwaan Xasan Sh. Mumin

 

13432093

© RSTV 2004-2009. All Rights Reserved