Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Monday September 07, 2009

Masuuliyiin ka tirsan ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya oo khilaaf soo kala dhexgaley.

 

Gobolka Ismaamulka Soomaalida ee ka jira magaalada Jigjiga ayaa la sheegayaa in khilaaf badani ka dhex jiro khilaafkaasi oo sida la xaqiijiyey soo taxnaa muddo bilo ah ayaa waxaa uu ka dhex taagnaa Madaxweynaha maamulka Soomaalida Daaud Maxamed Ali iyo madaxa hogaanka Nabad gelyada Cabdi Maxamed Cumar Ilay.

Khilaafkan oo soo jiitamey maalihii tagey ayaa waxaa haatan la sheegey inuu xarkaha goostey ka dib maarkii in muddo ah uu ka amar diidayey Cabdi ilay Madaxweynaha gobolka Daauud isla markaana Cabdi Ilay ayaa waxaa uu u muuqdey mid awoodda ku haysta Daauud ka dib markii uu hawlaha gobolka sida uu doono ka yeeli jirey isagoo aan kala tashanin madaxweynaha gobolkana samey jirey wax kasta oo uu doono.

Ka dib markii uu booqashada dibadda uu ku tagay Cabdi Ilay ee uu ku laabtey Itoobiya ayaa waxaa uu shirar la galey dad kala duwan oo isugu jira Soomaali iyo Tigrey waxaana uu doonayey inuu k awarbixiyo wax yaabihii uu kala kulmay socdaalkii uu ku tagay Sweden iyo England waxaana jirey in madaxweynaha Kililku uu kala qeyb galey shirarka qaarkood hase yeeshee waxaa ay isku khilaafsanaayeen sida loo wado hawlaha maamulka ee gobolka Soomaalida waxaana uu madaxweynuhu go'aansadey inuu xilaalka ka areeyo Cabdi Ilay si awooddiisu hoos ugu dhacdo waxaa kale oo uu xil wareejin ku sameeyey saxibo uu lahaa Cabdi Ilay oo uu kaashan jirey markasta oo uu doonayo inuu hawl fuliyo.

Si kastaba ha ahaatee waxaa haatan soo baxaya in Cabdi Ilay oo ahaa ninka gobolka ugu awooda badan uu haatan sii liicayo waxaana jiri karta in qolyaha Addis Ababa ay soo kala dhex galaan labadan nin ee ka wwada shaqeeya dowladda ismaamulka Soomaalida ee xarunteedu tahay Jigjiga.

 

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.net

 

Dhabadii lasoo marey ninkaan raadkii dib u dheehan oon dhaar ku marin meeriskii shiman  inuu buuxsho dharag waa ka xaaraan dhallaankiisu mahadshaa. Abwaan Xasan Sh. Mumin

 

13432093

RSTV 2004-2009. All Rights Reserved