Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Sunday October 19, 2008

R/wasaare Nuur Cadde oo ka hadley ciidamada NATO ay u soo direyso Badaha Soomaaliya.

R/wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nur Cade ayaa waxaa uu shir jaraa'id ku qabtey magaalda Muqdisho shirkaasina waxaa uu kaga hadley arrinta ku saabsan go'aan ay dhawaan gaareen dalalka ku bahoobey gaashaan buurta loo yaqaanno NATO (North Atlantic Treaty Organization) ay ku gaareen inay ciidamo u soo diraan badaha ku xeeran Soomaaliya.

Ra'iisal wasaare Nuurcadde ayaa arrintaasi wuxuu ku tilmaamey talaabo wax weyn kla tari karta amaanka badda Soomaaliya, waxaana uu uga mahadceliyey gaashaanbuurta NATO sida wanaagsan ee ay uga xanuunsadeen dhibaatada ay burcaddu ku haysi badaha Soomaaliya waxaana uu sheegey in loo baahan yahay in adduunyadu si weyn ula dagaalanto burcadda oo doonaysa inay joojiyaan ama ay hakad galiyaan isu socodka ganacsiga dunida.

R/wasaaraha ayaa sidoo kale waxaa uu soo hadal qaadey shirka ay dhawaan ku baaqeeen dalalka IGAD oo ay ku doonayaan inay madaxda DKMG ah iyo baarlamaanka ay isugu yimaadaan magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, waxaana uu Nurcadde sheegey inuu shirkaasi jiro isla markaana uu isagu tagayao sidookalena ay madaxda federaalka iyo xubnaha Baarlamaankuna tagayaan hase ahaatee ma aanu sheegin wax faahfaahin ah oo ku saabsan shirkaasi.

Shaley ayey ahayd markii guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanku Maxamed Cumar Dalxa uu sharci darro ku tilmaamey maraakiibta ay leeyihiin dalalka waaweyn ee jooga badaha Soomaaliya isagoo sheegey in aaney wax ogolaasho ah ka haysanin dowladda Federaalka ah ee Somaliya waxaana uu ugu baaqey inay isaga guuraan goobaha ay ka joogaan badaha Soomaaliya.

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

13432093

© RSTV 2008. All Rights Reserved