Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Xabsiga dhexe ee maaalada Muqdisho ayaa si rasmi ah u hawl galey

 

Xabsigii dhexe ee magaalada Muqdisho oo tan iyo markii dawladdii dhexe bur burtay aan hawl galin ayaa maanta si rasmi ah irdaha loogu furay.
Xaflad ballaaran oo ay kasoo qayb galeen masuuliyiin ka socotay dawladda Soomaaliya, gobolka Banaadir iyo hay'adaha qaramada midoobay ayaa ka dhacday xabsigaasi..
 

Masuul sare oo ka socdey QM oo lagu magacaaboGary Hill oo qaramada midoobay ugu qaabilsan ilaalinta xabsiyada ayaa halkaasi hadal ka jeediyay, wuxuuna sheegay inay fursad fiican tahay in la hirgaliyo xabsigii hore ee dalka.
Wuxuu Gary Hill codsaday in qaramada midoobay diyaar u tahay inay gacan ka gaysato taageerada xabsiga, loogana baahan yahay madaxda xabsiga inay soo gudbiyaan waxay u baahan yihiin.

Xabsigan ayaa ah xabsi ay abuurtey dowladdii Talyaaniga horraantii qarnigan waxaana uu ahaa xabsiga ugu  wayn xabsida ku yaalla Soomaaliya waxaana uu ka kooban yahay qeybaha kala duwan ee looga baahan yahay wxaaana uu in muddo ah ahaa meel aan la isticmaalin oo iska haawanaysa. Muddo haatan laga joogo dhowr bilood ayaa waxaa dayactir ku sameeyey Maxaakiimtii islaamka o iyagu isku dayey inay hawl galiyaan.


 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

 

© RSTV 2007. All Rights Reserved