Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Tareen Badda hoos mara oo isku xiraya Yurub iyo Afrika oo dhismihiisu bilaabanayo.

Khubaro ka kala socota Spain iyo Marooco ayaa waxay ka wada hadlayaa sidii loo sameyn lahaa Tareen badda hoosteeda mara oo isku xiraya labada qaaradood ee Yurub iyo Afrika.Qorshaha dhismaha ee Tareenkan ayaa waxaa soo dhaweeyey Ra'iisal wasaaraha Spain Jose Luis Rodriguez Zapatero oo booqaho dhawaan ku tagay waddanka Marooco waxaa uuna sheegey inuu aad ugu qanacsan yahay dhismaha wadadan oo noqonaysa mid taariikhi ah oo isku xiri doona Yurub iyo Afrika oo maalyiiin sano kala go'naa.

Dhismaha waddadan ayaa la filayaa in la bilaabo sanadka soo socda ee 2008da waxaana loo xilsaarey ama qandaraas ku qaadanaya nin caan ku ah Mashaariicda ama waddooyinka badda laga dhex qodo ninkaasi oo u dhashay waddanka Switzerland waxaa lagu magacaabaa Ing.Giovanni Lombardi.

Mar wax laga weydiiyey Giovanni Mashruucan waxaa uu sheegey inuu yahay shaqadii ugu weynayd ee loo magacaabo waxaana uu sheegey inuu jecel yahay inuu u qabto si wanaagsan.

Dhismaha waddadani waxay qaadaneysaa ama ku kaceysaa kharash badan oo lagu qiyaasey $ 8 billion -13 billion ilaa haddana ma cadda meesha lacagtaasi ka imaaneyso. waxaase la hubaa in mashruucani uu dadka  ka caawinayo sidii ay si fudud ugu kala gudbi lahaayeen  Yurub iyo Afrika, waxaana Tareenkaasi uu xambaari doonaa Badeecooyinka kala duwan, dadka rakaabka ah iyo Babuurta intaba.

Qorshaha dhisitaanka waddo isku xirta Marooco iyo Spain waxaa hadal haynteedu soo bilaabatay  sanadkii 1980kii  walina laguma dhaqaaqin waxaase la filayaa in haatan ay billaabato dhismaha wadaddaasi badda hoosteeda mareysa oo sida la caddeeyey muhiim u ah labada umadood ee ku nool Afrika iyo Yurub.

 
 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

 

© RSTV 2007. All Rights Reserved