Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Waxaan odhan karaa Rayaale geesinimadiisa waxa ugu dambaysay tii uu ka muujinayey Laascaanood” Axmed-Siilaanyo

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ku adkaystay in uu taageersan yahay sharciyadda jiritaankiisa go’aankii Golaha Wakiilladu muddada ugu kordhiyeen Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee xilkoodii dhammaaday, waxaannu caddeeyey in hoggaanka siyaasadeed ee dalku uu ka leexday dhabbihii tallada Somaliland ku socotay oo ahaa wadatashi iyo talo-wadaag.

Shir-jaraa’id oo Md. Siilaanyo shalay ku qabtay xafiiskiisa, waxa kale oo uu si adag u cambaareeyey xukunkii Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku ridday suxufiyiinta Haatuf, isla markaana ku xayirtay wargeyska, isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Xukunka maxkamadda anigu ma joogin, laakiin waxaan ka hadlayaa dareenka unmadda iyo siday dunidu u aragto xukunka saxaafadda, waxaan u arkaa inay tahay cabudhin saxaafadda madaxabannaan, waxaan u arkaa inay magac-xumo weyn u soo jiidayso sumcadda Somaliland iyo wixii lagu yaqaanay waddan u taagan xorriyatul-qawl, madaxbannaanida saxaafadda iyo caddaaladda.”

Md. Axmed-Siilaanyo isaga oo faahfaahinayey miisaanka iyo culayska arrintani ku leedahay sumcaddii Somaliland caalamka looga hayey, waxa uu intaa raaciyey; “Annagu arrintan mucaaridnimo ugama faa’iideysanayno, waad maqlayseen dareennada caalamku ka muujinayey oo meel walba laga hadlayey, anigu maxkamad ma ahi oo maan saarayn, laakiin waxaan ka hadlayaa dareenka ummaddu wadato, waana mid lagu waxyeelaynayo sumcadayadii, magacayagii iyo madaxbannaanidayadii saxaafadda.”

Guddoomiye Siilaanyo isaga oo si dadban uga jawaabayey odhaaho ka mid ah hadalladii dhaliisha ahaa ee Madaxweynuhu ku sii sagootiyey isaga [Axmed-Siilaanyo] iyo xisbigiisa KULMIYE, waxa uu ka dhawaajiyey geesinimada uu ku faani karo haddii ay jirto Md. Rayaale, waxaannu yidhi; “Marka geesinimo laga hadlayo waxaan odhan karaa Rayaale geesinimadiisa kollay waxa ugu dambeysay tii uu ka muujinayey maalintii Laascaanood ugu dambeysay.” Waxaannu intaa ku daray; “Wuxuu Rayaale ka hadlay dhalaaceyn uu u soo jeediyey xisbiga KULMIYE oo uu ku tilmaamayo horena u yidhi inay wadaan khiyaamo qaran oo ay dhibaatooyin dalka u geysanayaan, taa waxba ka odhan maayo; waa wax isaga [Rayaale] mansabkiisa, waajibkiisa iyo xilkiisa toona laaqi ku ahayn, hadduuse yidhi Siilaanyo geesinimo ha muujiyo inuu xubin ku soo darsado toddobada xubnood ee Komishanka Doorashooyinka ee isaguna [Rayaale] uu geesinimo u yeeshay in uu lixda xubnood ee kale soo magacaabo, taa waan oggolahay, waxaanan odhan lahaa waxa taa ka horreysa in uu isaguna [Madaxweynaha] marka hore geesinimo u yeesho in uu aqbalo sharciga, distoorka iyo go’aannada Golaha Wakiillada.”

Axmed-Siilaanyo oo ka hadlayey sida keliya ee lagu xallili karo arrinta Komishanka muranku ka taagan yahay, waxa uu sheegay in uu yahay wadatashi iyo talo-wadaag laga yeesho, “Annagu waxaannu u aragnaa xubnaha cusub [Komishanka] go’aankii Golaha Wakiilladu uu yahay ka sharciga dhabta, waxa kale oo aan ku sheegayaa inuu dasduurku qeexayo inay talada waddanku ku socoto wadatashi. Doorashooyinkii laga soo wada gudbay intaan sharcigaba la isla tiigsan waxa ka horreeyey wada-arrinsi, tan [Komishanka] wax alla wax uu ka galay iyo wax uu naga dhegaystay iyo wax laga arrinsaday midna ma jirto. Wax kasta in lagu dhammeeyo tanaasul iyo in la isla afgarto hadhow halkii la doonayo ha lamariyee waa sida qudha ee ay wax ku socon karaan ee dalka wax ugu hagaagi karaan ta ina Rayaale loogu taag la’a yahayna waa taas,” ayuu yidhi Siilanyo.

 

Source" Jamhuuriya.info

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

 

© RSTV 2007. All Rights Reserved