Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Kulan looga hadlayey shirka dib uheshiisiinta qaran oo Baydhabo uga furmay Gudiga dibuheshiisiinta.

 

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa maanta waxa uu kulan uga furmay gudiga dib u heshiisinta qaranka ee dalka Soomaaliya.

Shirkan hordhaca ah ee ay isugu yimaadeen gudiga dib u heshiisinta  oo ka furmay xarunta guddiga dib u heshiisinta qaranka ayaa waxaa furay gudoomiyaha baarlamaanka dawaladda Soomaaliya Sh. Aadan Maxamed Nuur (Adan Madoobe).
 

Kulankaasi ayaa waxaa falanqeeyey  sidii iyo qaabkii loo fududeyn  lahaa dib u heshiisiinta qaranka ee dalka Soomaaliya, iyo sidii loo qaban lahaa shirka dib u heshiisinta ah ee uu ku baaqay madaxwaynaha dawladda Soomaaliya.

Kulankaasi ayaa waxaa maal galinayo hay`adda Peace And Life oo ka shaqaysa arrimaha nabad galyada, waxana ka soo qayb galay gudiga dib u heshiisinta ee baarlamaanka dalka Soomaaliya.

Shirkani ayaa waxa uu soo baxay iyada oo dhowaan madaxwaynaha Soomaaliya uu ku dhawaaqay in la qabanayo kulan dib u heshiisiin ah oo ka furma dalka Soomaaliya.

Afhayeenka baarlamaanka oo isagu shirkkasi furey ayaa waxaa uu rajo wanaagsan ka mujiyey qabsoomidda shirkaasi iyo inay ka soo baxayaan wax dan u ah ummaadd Soomaaliyeed ee ay daashatey colaadda iyo abaaruhu.

 

 

RSTV NEWSROOM


Newsroom@rstvonline.com

 

© RSTV 2007. All Rights Reserved