|
Qaramada Midoobey ayaa sheegtey
in Soomaaliya ay hadda haysato fursad Nabadeed.
Xoghayaha Guud ee QM Bam Ki-Moon ayaa markii ugu horeysay warbixin ku
saabsan Soomaaliya ka hor akhriyay golaha Ammaanka ee Q/Midoobay, wuxuuna
sheegay in Soomaaliya heysato fursad fiican oo ay ka faa'iideysan karaan
Soomaalida haddii ay taageeraan qorshaha ciidamada nabad ilaalinta Afrika
Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ballanqaaday in Qaramada Midoobay ay
sii wadayso taageeridda dowladda iyo bulshada rayidka ah si wax looga qabto
dhibaatooyinka hor istaagi kara nabadda.
Isagoo intaasi raaciyay in wadahadal loo dhan yahay iyo qorshe siyaasadeed
dhab ah oo kaliya lagu gaari karo nabad waarta, kana hor istaagi karta
kooxaha aan qanacsanayn in dagaal xal ku raadiyaan, taasoo uu sheegay
inaanay Soomaalida dan u ahayn.
Bam K-moon waxaa kale oo uu sheegay in markii midowgii maxkamadaha meesha
laga saaray ay soo cusboonaadeen cadaawadii ka dhaxaysay iyo is qabqabsiga
qabaa'ilkii ay maxkamaduhu gacanta ku hayeen, dowladda ku meelgaarka ahna
waxaa wali sugaya in ay awoodeeda meelmariso xasilooni iyo kala dambaynna ku
soo celiso magaalada Muqdisho iyo xarumaha kale ee dadwaynuhu ku badan
yihiin.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, wuxuu carabta ku adkeeyay in ay
dowladda federaalka ku meelgaarka ah ay waajib ku tahay in gacmaha u fidiso
siyaasiyiinta muhiimka ah iyo xoogaga bulshada Soomaaliyeed ayna ka
qaybgaliso wadaxaajood loo dhan yahay, isagoo aan soo hadal qaadin
Maxkamadihii meesha laga saaray.
Si kastaba ha ahaatee Qaramada Midoobey ayaa wakhtigan u muuqata in ay
muhiimad gaar ah siinayso arrimaha Soomaaliya iyadoo marar badan ku
celcelisa in loo hogaansamo qorsha nabadda ee ay horssedayaan wadaamada ku
jira midowga Afrika.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
© RSTV 2007. All Rights Reserved |