|
Dad ku eedeysnaa Qaraxii ka
dhacey Kismaayo 11 Febrayo ayay Maxkamdi sii daysay
Maxkamadda Racfaanka gobolka J/hoose ayaa sii deysay 5 ruux oo horey logu
sooo ogay dambiga ah in ay ku lug lahaayeen qarixii bambaano ee
11 kii bishii Feberaayo ka dhacay magaalada Kismaayo.
5 tan nin oo todobaadyo ku xirnaa xabsiga magaalada Kismaayo ayaa waxa
ay horey ugu eedeysnaayeen qarax bambaano oo 11 kii bishaan lagu weeraray
fagaare ku yaala magaalada Kismaayo oo uu ka jirey isku imaatin ay hadalo ka
jeedinayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidamada Milatariga dowladda
KMG ah.
Sababta loo siidaayey raggaan ayaa waxa ay ka dambeysay ka dib markii
maxkamadda gobolka ay ku weysay wax dambi ah oo ku aadan halkaasi.
Qaraxaasi weynaa ee ka dhacay Kismaayo horraantii Febraayo ayaa ilaa iyo
hadda aan la garaneynin ciddii ka dambeysey waxaana wali l awadaa
baaritaanno iyo xograadin ku saabsan sidii loo heli lahaa sababtii ama
ciddii ka dambeysay qaraxaasi oo khasaare u gaystay dad fara badan.
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
© RSTV 2007. All Rights Reserved |