|
Madaxweynaha KMG ah Soomaaliya oo
ka dhoofey Galkacyo isagoo u sii jeeda Baydhabo.
Madaxwaynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdigii la socday ee
dawladda federaalka ayaa maanta ka dhoofay garoonaka diyaaradaha magaalada
Gaalkacyo.
Madaxda Puntland , maamulka gobolka iyo degmada ayaa madaxwaynaha kusii
sagootiyay garoonka, wuxuuna madaxwaynuhu u socdaalay magaalada Baydhabo.
C/laahi Yuusuf iyo wafdigiisa ayaa 48ddii saac ee ugu danbeeyay kusugnaa
magaalada Gaalkacyo, oo uu kula kulmay madaxda dawlad goboleedka Puntland .
Intii madaxwaynhu joogay waxay Puntland isla meel mariyeen heshiis horay
Puntland iyo federaalku u gaareen oo ahaa in canshuuraha soo gala Puntland
qayb kamid ah lasiiyo dawladda federaalka Soomaaliya, heshiiskaasina waxaa
loo xilsaaray laba guddi oo katirsan wasaaradaha maaliyadda Puntland iyo
Federaalka.
C/laahi Yuusuf intii oo joogay wuxuu kaloo la kulmay madaxda maamulka
Galmudug State oo ay kawada hadleen arimaha mustaqbalka dalka , C/laahi
Yuusuf wuxuu kaloo kulamo la yeeshay odayaasha , wax garadka iyo haweenka
magaalada Gaalkacyo,
Maantana wuxuu haweenka kala qayb galay madaxwaynuhu xafladda 8dda Maarso ,halkaasi
oo asaga iyo madaxwaynaha Puntland ay khudbado ka jeediyeen.
courtesy: Allpuntland.com
RSTV NEWSROOM
Newsroom@rstvonline.com
© RSTV 2007. All Rights Reserved |